(GNA) Caruurtu waa mid ka mid ah nicmooyinka ugu qaalisan ee Allah uu siiyo aadanaha, waana noolaha uu ugu jecelyahay bani aadamku mar kasta, laakiin waxaa isweydiin mudan, waa maxay waxa uu ugu baahida badan yahay ilmahaas yar? Waa inuu helo barbaarin fiican iyo aqoon ku wajahan dhinaca dhaqanka iyo nolosha labadaba.
Waa baahida ugu muhiimsan ee uu qabo bini’aadamkan yar, taas oo ah mida muujinaysa nooca mustaqbal ee soo wajahaya, iyo qaabka nololeed ee sugaya, hadaba waa maxay barbaarintu? Waxay culimadu barbaarinta ku tilmaameen “ inay tahay kobcinta ilmaha xaga aqoonta, jirka, caqliga, akhlaaqda, dhaqanka, iyo nolosha, ilaa uu ka qaangaadhayo” waana arin dhib badan oo qaadanaysa muddo sannadobadan , isla markaana u baahan dabagal faro badan.
Wuxuu yidhi nabigeenu NNKH ‘waxaa lagu dhalaa qof walba fidrada (diinta islaamka) waxaase yuhuudiyeeya ama kiristaameeya ama dab caabud ka dhiga hooyadii iyo aabihii’ wuxuu xadiiskaasi muujinayaa in ilmaha yar ee dhashay ay saameyn weyn ku leeyihiin waalidku, ilaa ay awood u yeeshaan inay wadada ay doonaan marinkaraan ,waxaana hubaal ah in saameynta ugu weyn ee ilmaha ay ka dhacdo guriga uu ku nool yahay, tan labaadna ay tahay dugsiga uu wax ka barto, tan sadexaad waa bey’ada uu ku nool yahay.
TALLAABOOYINKA UGU HOREEYA EE BARBAARINTA HABOON:
1- In lagu bilaabo barbaarinta haboon dhalashada ilmaha, taas oo macnaheedu yahay in ilmuhu uu wax fahmayo habeenka uu dhasho, culimadu qaarkood waxayba sheegeen inuu maqlayo shanqadha ka dhacay dhacaysa agagaarkiisa isaga oo ku jira uurka hooyadii , maxaad moodaa marka uu dhasho, sidaas darteed waxaa muhiim ah in mas’uuliyada weyn ee waalidka ka saaran ilmaha ay ku bilaabaan barbaarin, waxaa cilmi ahaan la ogaaday in ilmaha lixda sannadood ee ugu horeysa noloshiisa ay samaysanto dadnimadiisa 90%, tobonka hadhayna ay samaysanto wixii ka danbeeya, wixii 6jir lagu programiyo ayuu aaminayaa.
2- Isticmaal fariimaha wanaagsan,(hadalada lagula hadlo) waxaa jira fariimo faro badan oo aan u dirno maskaxda caruurta, waxay ka kooban yihiin fariimo khaldan iyo kuwo fiican, hadaba fariimaha khaldan waxaa ka mid ah ‘waxaad tahay damiin ama qofaan waxba garaneynin’ ‘waan ku nebcahay’ ‘doqon caajisle’ waan kugu khasaaray, ‘ hadaan aabahaa kuu sheegin’ dhamaan fariimahaas khaldan oo ka buuxa nolosha ilmaha yar waa kuwo ka qeybqaadanaya samaysanka nolosha ilmaha, isla markaana wuxuu aaminayaa in waxa lagu sheegayaa yihiin kuwa run ah, maadaama uu ka maqlay waalidkiis iyo macalinka oo ah dadka uu ugu kalsoon yahay, taasna waa musiibo barbaarineed, iyo khalad aad u foolxun oo aan ka galno ilmaha yar mustaqbalkiisa,sidaas darteed waxaa loo baahan yahay inaan u dirno fariimaha fiican sida ‘waan ku jeclahay’ ‘fariid baad tahay’ ‘waxaad ku baastay shan maado, labada hadhayna waad ku baasi kartaa’ waa fariimo muujinaya kaabida kalsoonida caruurta, isla markaasna buuxinaya qalbigiisa, waana kuwa aan u baahanahay inaan ilmaha ku akhrino markasta., si ay u xoogaysato kalsoonidiisu, maxaa yeelay wuxuu u baahan yahay kalsooni siin iyo tilmaamid had iyo goor oo aan laga joojin.
3- Bar ilmaha inuu adeegsado awoodiisa, in badan waxaa waalidku u arkaa marka uu ilmuhu uu soo gaadho labo sano inuu u baahan yahay in wax walbo loo qabto, taas oo ilmuhu uu u arko inuu waxqabsan karo, sida inuu wax cuno oo cabo, waxaana hooyadu ay marar badan ku khasabtaa cuntada, iyadoo jacaylka xad-dhaafka ah ee hooyadu uu keenayo, laakiin hooyo iyo aabe bara ilmaha in loo falaxalo oo cuntada loo dhigo inuu cuno, oo cabo, taas ayaa muhiim u ah ilmaha, sidoo kale waxay hooyadu ku khasabtaa hurdada, waana arin ay keenayso mashquulka hooyada oo doonaysa inay seexiso saacado ay rabto inay nasato, laakiin iyadoo taasina jirto, haku khasbin ilmaha inuu xoog iyo cagajugleen ku seexdo, isku day inaad barto oo u qososho oo ciyaarsiiso kadibna aad kula hadasho seexo, adiguna aad seexato, waa la hubaa inuu kuu baranayo hurdo aadan isku dhibin oo joogto u noqota.
4- Cadaalad usamee caruurtaada, oo ha ukala eexanin caruurtaada, maxaa yeelay waxay aasaas u tahay aqbalitaanka barbaarinta iyo ka dhaadhicinta fikradahaaga, macquul ma ahan inuu ku adeeco ilmuhu isaga oo kugu tuhmaya cadaalad daro,waxaa kale oo uu qaadaa ilmuhu cuqdad walaalkiisa loogu roon yahay, iyadoo sideedaba ay ilmuhu kan firfircoon aaney jeclayn, hadana hadii ay arkaan in waalidka ay saameyn ku leedahay waxay noqonaysaa mid khatar ku ah mustaqbalka ilmaha,
Waxaana daliil noogu filan xadiiskii Imaamu Muslim uu ku wariyey Nucmaan bin Bashiir RC wuxuu yidhi ‘aabahay ayaa igu sadaqaystay xoogaa maalkiisa ka mid ah, hooyaday ayaa tidhi ‘ raali kama ihi inta Rasuulka looga tagayo” markii rasuulka loo tagay wuxuu yidhi ‘ma siisay caruurtaada oo dhan” aabahay wuxuu yidhi maya’ wuxuu yidhi ‘ ilaahay ka cabsada oo u cadaalad sameeya caruurtiina” hadaba si aan uga badbaadno dhibaatadaas, aan u caddaalad samayno caruurteena.
Diyaar:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com
askars4@hotmail.com