Tuesday, August 13, 2013

Qaabka aad Taleefoonka u qabatid waxa ay ka tarjumeysaa dabeecadaada: Daraasad


(GNA) khuburo ku taqsuusay arimaha bini aadamka marka laga hadlayo dabeecadha aadamaha ayaa dhawaan cili baadhis ay ku sameeyeen dad yooga caalamka ayaa soo saaray warbixin hordhac ah taas oo ku saabsan qaabka uu qofku uqabto taleefanka in ay ka turjumeyso dabeecadaada ama waxa aad ku sugantahay oo ah xaalad kacsan ama iskubuuq ah ama mid degan.




Kadib baadhitaan dad badan lagu sameeyay waxaa ugu danbeyn la ogaaday in qaabka uu qof waliba u qabto Taleefankiisa in ay ka tarjumeyso shaqsiyadiisa ama dabeecadiisa gaarka ah iyo waliba xaalada uu markaas ku sugan yahay.




Hadaba si fiicin u dhuux daraasadan, si aad u ogaato nuuca aad tahay iyo dabcigaagu siduu yahay, adigoo ka tusaale qaadanaya qaabka aad telkaada u qabatid.




1: HALLO




Kalmadaan dadka dunida ayaa intooda badan caado ka dhigtay, oo imika wakhtixaadirka maaha mid ay qoomiyada qudhi ama dad gaar ah adeegsada kalmada hallo.  ayadoo jawi walba inuu qofku adeegsado, balse daraasadan ayaa lagu sheegay in qofkii kalmada HALLO adeegsado inuu yahay qof xiligaas deggan, oo jecel qofka soo garaacay in uu qanciyo lagama yaabo in uu taleefankiisa oo dhacay ku dhageysto qofka soo garaacay hadii aanu ku jirin xaalad qasbeysa in uu qabto  sidoo kale waa qof la jecel yahay,




2- HAA




Ereygan hadii ay nimanku isticmaalaan, waa kuwa kacsan markaa dareen ahaan, jawi qasana ku dhex jira, ama wax qarinaya oo diidan in hadal badan lala galo ama su’aalo badan la weydiiyo.




Hadiise ay dumar yihiin, waa kuwa jecel hurdada badan, isla markaana aan jecleyn dhibka iyo shaqada badan ama hadal badan lala wadaago.




3- SOO DHAWOOW




Hadii ereygan ay raggu adeegsadaan, waa kuwa ka shaqeeya meel shirkad ah oo dad badani ay maalintii soo booqdaan ama meherad sida huteelada ama tukaamada waaweyn taas oo uu qofka ku kasbanayo macmiil badan.




Hadiise ay dumar yihiin, waa kuwa suura badan oo jecel naxariista iyo in hadalka lala sii wado.




4- WAA KUMMA?




qofka hadalka sidaan ku bilaaba waa qof deyn lagu leeyahay, ama wax koontarabaan ku jira oo aan jecleen in la ogaado waxa uuna doonaya inuu horey ka ogaado qofka soo garaacay si uu marmarsiimo usii diyaarsado hadii uu yahay qofkii lacagta kulahaa ama uu iska qarinayaya. hadii aanu qofkale aanu udhiibin oo aanu odhanba ii ogow qofa isoo garaacaya taas ayaa cadeyn u ah in uu yahay qof aan kalsoonibadan ka qabin qofka soo garaacay ..




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com