Thursday, August 22, 2013

SLN: EU-da waxaanu u sheegnay inay Somaliya marayso halkii aanu maraynay 1991-kii, waanay naga garowsadeen


Hargeysa(GNA)-Wefti ka socda Ururka Midowga Yurub iyo Baanka aduunka ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ee xukuumadda Somaliland, ka dib markii ay Maanta Booqasho ku yimaadeen Magaalada Hargeysa.




Kulankan oo daba socday, mid hore ugu dhexmaray labada dhinac  Magaalada Nairobi, loogana gol-lahaa wada xaajood ay labada dhan ku gorfeynayaan nidaamka ay Somaliland mucaawimooyinka uga doonayso qaadhaan-bixiyayaasha,waxa wasiiradda xukuumadda uga qayb-galay ka mid ahaa Wasiirka Qorheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre iyo Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis.




 “Weftigu wuxuu  isugu jiray  EU-da , xubno ka kala socda Safaaradaha Denmark iyo Sweden iyo OECD loo yaqaano, waxay noogu yimaadeen inay na dhegeystaan oo ay nagala qayb-galaan nidaamka aynu diyaarsanay ee ku saabsan habka ay noo caawinayaan, oo aanu doonayno inay EU-du loo caawiso”sidaasi waxa Gobanimonews u Dr Sacad Cali Shirre Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland oo markii kulanku dhamaaday ka waramay waxyaabaha ay weftiga ka wada hadleen iyo natiijada kulankooda.




Wasiirka Qorsheynta Somaliland waxa uu intaasi ku daray “waxaanu u gudbinay qorshahayaga iyo waxyaabaha aanu u baahanay in laga caawiyo, oo aanu qoraal ugu gudbinay, waxaanay geynayaan shirka Brussels, iyagaana u gudbinaya midowga Yurub, waayo annagu ka qayb-geli mayno, waayo nama khuseeyo oo waxa loogu talo-galay somaliya, somaliyana kala baahi baanu nahay, waxay marayaan meeshii somaliland maraysay 1991-kii, annaguna waxaanu doonaynaa in nalaga taageero horumarinta, markaa wixii aanu u gudbinay way naga aqbaleen, waxaana jiri doona kulan dambe oo aanu Nairobi kula yeelan doono”.




Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay Dalalka Reer Yurub iyo wadamada kale ee ay caawimada ka helaan, kana qayb-gelaya shirka 16 Bisha September ka dhacaya waddanka Belguim-ka, kala hadlayaan sidii loo siin lahaa kaalmo toos ah oo ka madax banaan ta nidaamka loogu dejinayo shirkaasi ee somaliya, si dalabkooda loo dhegeystana weftigani dalka u yimi.




Maxamed Biixi Yoonis ayaa si cad u sheegay inaanay Somaliland ka qayb-galayn shirka Brussels, oo ay u arkaan mid siyaasiyan lid ku ah qadiyada madaxbanaanida Somaliland.




Dhinaca kale Wasiirka Qorsheynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa Gobanimonews u sheegay inaanu wax saamayn ah ku yeelanayn go’aanka ay ku diideen ka qayb-galka Shirka Brussels, taasoo ay u cadeeyeen weftiga EU-du.




“Qaadhaan-bixiyayaashu waxay noo cadeeyeen inaanay wax saamayn ah nagu yeelanayn diidmada shirka Brussels, waanay naga balan qaadeen arintaasi, waxaanan ka filaynaa in qoraalka aanu u gudbinayna ay aqbali doonaan”ayuu yidhi Dr. sacad.




Geesta kale, Sarkaal u hadlay weftiga Reer Yurub iyo Baanka Aduunka, ayaa sheegtay inay dhegeysanayaan waxyaabaha ay Somaliland ka dalbatay, waxaanay sidaa sheegtay ka dib kulanka dhex maray wasiiradda oo ay warbaahinta la hadashay.




Drs, Petria oo ah madaxa weftiga hogaaminaya, ayaa sidoo kale iftiimisay in waxyaabaha ay Somaliland ku dooday iyo qorsheyaasha ay samaysteenba yihiin kuwo lagu qanci karo, tix-gelina u baahan.




Si kastaba ha ahaatee kulamadan u socda Somaliland iyo Midowga yurub, waxa muuqata inaan wali wax natiijo ah laga gaadhin, walina wax badan oo laysku diidanyahay iyo waxyaabo si taxdir leh laysula qaatay ay jiraan.




Somaliland ayaa shirka Midowga Yurub marti gelinayo ee Brussels, ka taagan mawqif la mid ah kii ay ku diiday shirkii dhaqaale loogu uruurinayay somaliya ee 7 bishii  May ka dhacay Magaalada London, waxaana iska cad inaanay waddamada Reer Yurub iyo kuwa kale ee daneeya arimha somaliya la dhacsanyn go’aanka Somaliland, iskuna dayayaan inay ku qanciyaan Madaxda dawlada inay ka qayb-galaan shirka.




Halka taa bedelkeeda Somaliland ku dhegsantahay Mawqifkeeda, Dawlada Federaalka somaliyana aanay wali doodan soo dhex gelin, inkasta oo aan la dafiri Karin inay aad u danaynayso inay Somaliland ka soo qayb-gasho shirkaasi,si aanay meesha  bixin wadaagista Kalmooyinka Dhaqaale ee ay Qaramada Midoobay wada siiyaan Somalia oo ay Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com