Tababaraha Besiktas Slaven Bilic ayaa qirtay in kooxda Istanbul ka dhisan ay jeclaan laheyd inay la soo wareegto xiddiga Atletico Mineiro Ronaldinho.
Kooxda Turkiga ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan xiddiga reer Brazil, waxaana uu Bilic haatan xaqiijiyay inay doonayaan inay soo xerogeliyaan 33 jirkaan si uu kooxda uga caawiyo inay gaarto heer ka sareeya kan haatan.
“Waan jeclaan lahaa inaan Ronaldinho ku heysto kooxdeyda” ayuu tababarihii hore ee Croatia u sheegay suxufiyiinta.
“Waa uu da’ weyn yahay haatan, laakiin waxaan qabaa inay weli ku harsan tahay labo sanno oo fiican. Xitaa da’da uu haatan joogo waxa uu Besiktas ku soo kordhin karaa wax badan, waxaana uu inaga caawin karaa inaan gaarno heer ka sareeya kan haatan.
“Laakiin yaanan arintaan wax badan ka dhigin xilligan la joogo.”
Ronaldinho ayaa Mineiro kaga soo biiray Flamengo xagaagii 2012, waxaana uu ku hogaamiyay kooxda koobka Copa Libertadores xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee kooxda.