Thursday, August 1, 2013

Isku-Shaandheyntii Iyo Ku Dhawaaqistii Golaha Wasiirada ee Koonfurta Soomaalia Oo La Sheegay In Dib Loogu Riixay Ilaa Bisha 11 Ee Sannadkan


 








(Gobanimonews)1/8/2013-Waxa Maalmaha soosocda  lagu waday in  lagu dhawaaqo golaha wasiirrada xukuumadda Soomaalia oo tiradooda laga dhigay 25-wasiir iyo isku shaandheyn lagu sameeyay 10-ka wasiir ee xilligan shaqeynaya sida Wararka ka soo baxay Madaxtooyadda uu ku taliyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la sheegayaa in Isku Shaandhayntaasi  dib loogu dhigay illaa bisha Septmber ee sannadkan.




Dib u dhigista Ishku Shaandhayntan  ayaa lagu sheegay iyadoo baarlamaanka Soomaaliya in Raysal Wasaare Saacid  uu hortagi lahaa si uu kalsoonida u siiyo ayaa Golahaasi albaabada loo xidhay oo ay fasax galeen, taas awgeedna ay keentay in dib loo dhigo illaa ay ka furmayaan kalfdhiyada baarlamaanka Soomaaliya.




Ilo wareedyo ka tisran xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa laga soo xigtay in lagu dhawaaqi doono golaha wasiirrada ee cusub dhamaadka bisha September, isla markaana la horgeyn doono baarlamaanka si ay kalsoonida u siiyaan.




Wararka ayaa waxay sheegayaan in xubnaha ka mid  noqnaya wasiirrada uu ka taagan yahay muran, iyadoo ay jiraan xubno la doonayo in xukuumadda laga saaro iyo kuwo cusub oo lagu soo daraayo, kuwasi oo dhammaantood uu ka taagan yahay muran.




Xubnahan ayaa la sheegay inay kala wataan madaxda dowladda, waxaana la sheegay in kordhinta golaha wasiirada ay sabab u tahay wasiirrada xilligan shaqeynaya oo ay ku badatay howlaha wasaaradaha, sidaa awgeedna la kala fududeynayo si howshu u socoto dhanka awood qaybsida beelaha ku jira Xukuumaddaasi aan awooda badan lahayn.




Arrintan ayaa waxaa si weyn u hadal haya dadka ku dhaqan magaalyiinka Somalia gaar ahaan Koonfurta ay maamulkaasi gacanta ku hayaan  oo qaar ka mid ah ay ku tilmaameen mid aan loo baahnayn, halka kuwo kalena ay soo dhaweynayaan, waxaase badan dadka qaba in golaha wasiirrada intan laga yareeyo.




Gobanimonews@gmail.com