Hargeysa(GNA)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Xadhiga ka jaray dib u dhiska Dhabada Diyaaraduhu ka haadaan ee Madaarka Hargeysa, kaasoo mudo lix bilood ka badan dayactir lagu samaynayay.
Mashruuca lagu dayac tiray Madaarkan oo ay Maalgelisay Dawlada Kuwait, ayaa waxa ku baxay lacag gaadhaysa shan milyan oo Dollar oo loogu talo galay in lagu sameeyo dhabo Casri ah oo diyaaraduhu ka soo degaan, kana duulaan.
Madaarka Diyaaradaha ee caasimadda Hargeysa ayaa qaybtiisa Run-way-ga la dhisay sanadkii 1957-kii, iyadoo ilaa xiligaasna aan wax dib u dhis ah lagu samayn.
Dawlada Kuwiat ayaa sanadkii2010-ka horaantiisii Somaliland ugu deeqday lacag dhan 10 Milyan oo Dollar oo loogu talo galay in lagu horumariyo Madaarada dalka, taasoo sida ay Wasaaradda Duulistu sheegtay lagu dhisayo Garoomada Hargeysa iyo Berbera.
Munaasibadda Xadhiga lagaga jaray dayactirka lagu sameeyay Madaarka oo Warbaahinta badankeedu jujuub iyo Khasab ku gashay, ka dib markii loo diiday inay si furan uga qayb-galaan, ayaa Madaxweynaha ka sekow waxa ka soo qayb-galay Marti sharaf aad u tiro badan oo ka kala socota Golayaasha Qaranka, Madaxdhaqameedka, Asxaabta siyaasadda, Ururadda Bulshada iyo dad kale oo lagu soo casuumay.
Masuuliyiinta iyo Xubnaha kale ee xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay hawsha laga qabtay Madaarka, waxaanay sheegeen in mudadii uu xidhnaa rafaad badan ay dadku kala kulmeen taaragii iyo ka soo degista ama ka dhoofista Garoonka Berbera oo intii dayactirka madaarku socday diyaaraduhu isticmaali jireen.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo halkaasi ka hadlay ayaa dawlada Kuwait iyo cid kasta oo mashruucan door ka qaadatay u mahad naqay, waxaanu sheegay inay hawshani waxtar iyo horumar fiican waddanka ku soo kordhinayso.
Dib u dhiska Dhabadda Diyaaradaha ee Cigaal International Airport oo mudo dhawr jeer ah dib u dhac ku yimi xiligii loogu talo galay inuu ku dhamaado ayaa wali qayb ka mid ahi qabyo tahay,iyadoo mashaariicda laga hir-geliyay ee Madaxweynuhu xadhiga ka jaray ay ka mid ahaayeen terminal hore isagoo qabyo ah madaxweyne ku-xigeenku xadhiga uga jaray iyo mashaariic kale.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Hoos ka Daawo Sawirada oo dhan