Muqdisho(GNA)- Xukumadda Fadaraalka Somaliya ayaa heshiis la gashay Shirkad dhinaca badda kala shaqaynaysa oo fadhigeedu yahay
Dalka Holand oo lagu magacaabo the Atlantic Marine and offshore Group.shirkaddan ayaa Xukumada ka taageeraysa Ilaalinta Xeebaha Somaliya oo dayac badani ka jiray sida lagu sheegay Qoraal heshiiskani ku saabsan.
Qoraalka heshiiskan ayaa lagu sheegay in Shirkaddani wax ka tarayso Dib u soo celinta Khayraad badan oo dalka Somaliya lahaan jiray. Waxaana Qodobada Heshiiskaasi ka mid ah:
• La socodka dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo dekedaha
• La socodka ilaha dhaqaale ee gaarka ah
• Difaaca kheyraadka dabiiciga ah
• Difaaca kalluumeysiga sharci darrada ah ee maraakiibta ajaaniba ah iyo waxyaabaha saldhigga u ah
• Ka hortagga suntan lagu daadiyo xeebaha dalka Soomaaliya
• Sameynta dabagallo ku aaddan badbaadada iyo ka hortagga adeegyada kontorbaanada ah
Xeebaha Somaliya ayaa dhibaatooyin badani ka jireen ilaa Burburkii Dawladdii dhexe Somaliya kuwaasi iskugu jiray Budhcad badeed, Wasakhayn lagu daadiyo iyo Waxyaabo kale.
Heshiiskan ayaa lagu sheegay in uu wax wayn ka qaban doono arimahaasi iyadoo Shirkaddanina ku shaqaynaysa Amaradda Dawladda Somaliya.
Warar Madaxbanaan oo Mareegta Gobanimonews ka heshay Heshiiska shirkadani ay la gashay somaliya, ayaa tibaaxaya inay shirkadaasi ilaalinteeda kala qayb-qaadanayso Badda somaliya oo ay ku jirto biyaha Somaliland.
Hase ahaatee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan mawqifka ay ka taagantahay arintan iyo inay dawlada Federaalka ah isku waafaqsanyihiin arintaasi iyo in kale.
Sidoo kale waxa la sheegay in qorshaha ay shirkaddani kula shaqaynayso dawlada somaliya ay dabada ka riixayso dawlada Turkigu, ayaa la sheegay in lagu dejinayo nidaam maamul oo lagu samaynayo xeebaha somaliya.
Shirkadda ayaa sida ay Gobanimonews u sheegeen ilo diblomaasiyadeed dejinaysa qaabka dakhliga Xeebaha Somalia oo dhisayo, iyadoo dawlada kala shaqaynaysa sidii loo suurto gelin lahaa nidaam waafaqsan sharciga dawlada oo loo maamulayo dhaqaalaha badda.
Badda somaliya ayaa ah ta ugu dheer Mandaqada Geeska Afrika, waxaanay kulmisaa labada baddood ee Indiya iyo Atlantic-, iyadoo ay ka mid tahay marin biyoodyada ugu istaraajisan Baddaha Qaarada afrika.
Hase ahaatee tan markii ay meesha ka baxday Dawladii Milateriga ahayd ee somaliya waxa soo foodsaaray dayac fara badan oo sababay inay noqoto meel hoy u noqota dhibaatooyinka Biyaha Caalamka, sida uu Gobanimonews u sheegay qabiir ku takhasusay dhaqaalaha iyo culuumta badda.
Waxaana badda somaliya ka dilaacay tobankii sanadood ee ugu dambeeyay budh-cad badeedii ugu badnayd ee falalka afduubka ah ka geystay biyaha Caalamka iyo kuwa somaliya.
Heshiiskan ayaan la saadaalin Karin waxa uu ka qabanayo dhibaatooyinkaasi iyo kuwo kale oo tiro badan oo uu ka mid yahay damaca dawlada Kenya kaga jira inay hesho qayb ka mid ah Badda somaliya oo mudo dheer muran xuduuddeed ka taagnaa, isla markaana ay ku fashilantay isku dayo badan oo ay ku doonayso inay sifo sharci oo tuugo ah kula wareegto.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com