Burco(GNA)-Qaar ka mid aha dadwaynaha danyarta ah ee xaafada Koosaar ee magaalada Burco ayaa cabasho ka muujiyay Guryo ay sheegeen inay u dhisi lahayd Hay'ada NRC oo ay bakhtiytaa nasiib u galeen kuna guulaysteen laakiin markii danbe laga musuqmaasuqay, sida ay sheegeen.
dadwaynahan oo saaka cabsho la hortagay Xarunta dawlada hoose ayaa waxay musuqmaasuqan iyo wax is daba marintan ku eedeeyeen Mamulka dawlada hoose,hay'ada NRC iyo gudoomiyaha xaafada koosaar.
Faadumo siciid oo ugu horayn ka hadlaysa cabashadooda ayaa Gobanimonews u sheegtay ''waxaan deganaay xaafada koosaar A waxaa naloo keenay boqol guri oo hay'ada NRC oo bakhatiyaa nasiin ah gacantahyada ayaan ku qaaday(helay) laba sano iyo dhawr bilood ayaan hada sugaayay ,maantana waxaa go,aan laygu siiyay in layaga qaado oo qoys kale la siiyo oo aan bakhtiyaa nasiib helin cadaaladna maaha sharciga diinatana maaha Gudoomiyaha xaaafada Maxamed Axmed iyo maayarkaa baa ka masuul ah,hay;ada NRC hanalaga qabto”.
Shugri jaamac Xuseen oo iyana ka mida dadwayniii cabanayay ayaa waxa hadaladedii ka mid ahaa “Mudo laba sanadood ah ayaanu guryo mulkisanayn sidii aanu u sugaynay ee aanu qofka waalan iyo qofka raqda ahba u lahayn, ayaa gudoomiyaha xaafada iyo dawlada hoose ka shireen Xaafada kale oo aan helin,xaafadiii kale ee wax loo dhisayay way ka socdaan,waxaanu ka cabanaynaa maayarka iyo Hay,ada NRC”.
Ismaaciil qodax oo ka mid ah Odayaasha Xaafadaasi ayaa isaguna yidhi “waxaan ahay sadex iyo todbaatan jir guryihii aanu helay laba sanadood hortood xaafadihii kale ee nala midka ahaa markii loosoo dhisay ee anaga hada ay maraysay ayaa maayarka badhasaabka iyo maayar ku xigeenka iyo kii xaafadayad gudoomiyaha u ahaa wuxuba waxay isku raacsanyihiin in nalaga qaado cadaaladna maaha.waana daba soconaa in xaafad wax isu haniyay say dab la dhex dhigona maaha wixii halkaas ka yimaadana masuuliyiintaa leh,NRC iyo dawlada hoose ayaana wada cudurka ugu wayn.
Aadan C/laahi ayaa isaguna sheegay in in xaafada koosaar ay dad badani deganyihiin isla markaana aya hay,ada iyo maayarkii ore ku heshiiyeen in baktiyaa nasiib loo qaado cidii guryaha loo dhisayo,waxaanu hay,ada NRC uga digay inaanay dadka isku jabin oo iska horkeenin,
Dhanka kale Gudoomiyaha Xaafada Koosaar Maxamed Axmed Sheeri oo aanu wax ka waydiinay ayaa isna sheegay in in aanay wax ba ka jirin eedayntan loo soo jeediyay in kasta oo uu sheegay inay jiraan Khaladaado,
Gudoomiyaha xaafada koosaar oo isaguna arintan ka hadlay ayaa yidhi “marka leeyihiin bakhtiyaanasiib baa la qaaday runtii bakhtiyaa nasiib la qaaday oo aan lagu wada qanacsanayni wuu jiraa,dadkan ku dacwiyaayaa goob banaan oo aan cidi deganayn bay ku dhacday,waxaana fashiliyay kuwii hore ee la dhisay oo in badan la daba socday ayaa noqday guryo banaan oo albaabadu u xidhanyihiin,waanan u mahad naqaynaa hay,ada NRC waxan la sheegayaana waa been abuur oo xaqiiqada way ka fogtahay.gurayahaa ay sheegayaana waa maqanyihiin oo sideetan guri bay ahaayeen.
sidoo kale Maayarka iyo madaxda hay'ada NRC oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino ayaanay noo suurta galin kadib markii aanu maayarka ka waynay xafiiskiisa.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office