Thursday, August 1, 2013

Wakiilka Dahab Shiil ee Magaaalada Stockhom Oo Budhcad Ku Weerartay Gurigiisa


Stockholm (GNA) Wakiilka guud ee shirkada xawaaladda Dahab Shiil ee magaalada Stockholm ee wadanka Sweden Jaamac maxamed Aaden (Jaamac Dahabshiil) ayaa habeenkii xalay Budhacad Hubaysani u soo dhaceen guriisa oo ku yaal xaafada Tannista Plan ee waqooyiga magaalada Stockholm.




Budhacadan oo ku hubaysnaa midiyo iyo qasabado  ayaa waxa ay guriga uga soo dhaceen daaqada madbakh oo fureyd.Saacadu markay ahayd 03:30 wakhiga sweden




Weerarka ayaa waxa uu dhaawacyo ka soo gaadhay Jaamac Dahabshiil Iyo Xaaskiisa Sabaad Maxamed oo maata saacadu markey ahayd 13:00 kowdii durnimo ka soo baxay dhakhtarka Santa Göran oo lagu daweynaayey ilaa habeenkii xalay.




Jaamac waxaa soo gaadhay dhaawac fudud, halka Sabaad oo aha Xaaska Jaamac ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan oo madaxa iyo bowdada ah. Madaxa waxaa la toalay ilaa afar qodob, Bowddadana ilaa siddeed qodob inkasta oo ay aad u dhiig baxaday haddana xaaladeedu aad bay u wanaagsantahay.




Budhcadan oo ah Soomaali lama sheegin in ay haleeleen in ay wax hanti ah ama dhaca ah ka gaysteen guriga ka dib markii ay Jaamac iyo Sabaad ay kala kulmeen iska caabin xoogle. Taas oo sahashay in hablo guriga joogey ay mobile kooda ku sawiraan budhcadan.




Ilaa hadda falkan cid looma qaban laakiin ciidanka nabad gelyada ee magaalada Stockholm ayaa ku daba jooga iyaga oo haya cadaymo dhowr aha oo sahili kara soo qabashadooda




Maaha markii ugu horeysay ee la soo weeraro Jaamac Dahabshiil. Dhawaan ayey ahayd in goor fiida ah dhalin yaro soomaaliyeed isku dayeen in xarunta xaawalada ay dhacaan taas oo ay ku fashimeen ka dib markii jaamac si geesinimo leh uga hor tagey  dhacaas oo uu fashiliyey.




Wixii warar ah ee ka soo kordha gadaal ayaanu idin kala soo socod siin.




xigasho:(UCID-Media Group)




 




Gobanimonews.com
askars4@hotmail.com