Deeqdan dharka iyo kabaha ciida ah ee maanta la gudoonsiiyay 500 oo caruur ah oo isugu jirtay danyarta iyo agoomaha magaalada Boorama waxa ay ka timid Hayada bisha Cas ee Imaaraatka, waxana loo soo wakiishay qaybinteeda dalka Hayada Bisha Cas ee Imaaraatka ee Somaliland, Booramana waxa uga wakiil ahaa Hayada Bisha Cas ee Imaaraatka ee Gobolka Awdal iyo Jimciyada khayriga ah ee Al-ixsaan.
.
Qaybinta deeqdan oo ahayd tii ugu balaadhayd ee la gaarsiiyo dadka danyarta iyo agoomaha ah maalmaha ciida ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda bisha cas ee Imaaraatka ee Somaliland, Maamulka gobolka , kan degmada. salaadiin iyo dadwayne kale oo aad u badan.
.
Gudoomiyaha Hayada bisha Cas ee Imaaraatka ee gobolka Awdal ahna wakiilka Hayada khayriga ah ee Al-ixsaan Md. Faarax Ismaaciil Sidci oo ka hadlay halkaasi ayaa yidhi "Waxa aan u mahadnaqayaa madaxda Hayada bisha Cas ee Imaaraatka oo noo suura galisay inaan halkan dharka iyo kabaha ciida ugu qaybino 500 oo ah dadka danyarta ah iyo agoomaha xaqal ciidka ama dharkii ciida, waxana aan ugu talo galnay inay sida walaalaha kale ula ciidaan oo ay ka muuqato farxada ciidu"
.
Madaxa Hayada bisha Cas ee Imaaraatka ee Somaliland Md. Siciid Saalax oo halkaasi ka hadalay ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka ahayd deeq badan oo Hayada bisha Cas ee Imaaraatka ay ugu talo gashay caalamka Islaamka isla markaana ay Somaliland deeq ahaan u heshay 3000 oo qof oo 500 oo ka mid ah Boorama maanta laga qaybinayo "Waad u jeedaan waa dhar tayadoodu sarayso iyo kabo fiican oo la mid ah kuwa ay iibsadaan dadka lacagta leh, waxana aan sidan u yeelnay inay dadka danyarta ahi caruurtoodu la ciidaan caruuraha kale iyaga oo aan dareemin in dharka iyo kabaha ay ku ciidayaan uu ka hooseeyo kan kale, waxana noo farxad ah inaan maanta si haboon u qaybinay deeqdaas bilawgeedii"
.
Sul. Ibraahim Jaamac Samatar iyo Imaam Axmed Miisaan Aare oo ka hadlay halkaasi ayaa iyaguna ka marag kacay in deeqdan ay gaadhay halkii loogu talo galay waxana ay farxad ka muujiyeen sida ay deeqdan waxtarka ugu leedahay dadka danyarta ah ee aanan awoodin inay iibsadaan iyo caruurta kale ee agoomaha ah, waxana ay u mahad naqeen Hayada bisha Cas ee Imaaraatka ee soo dirtay.
.
Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar iyo Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa hadalo duco iyo mahadnaq u badan halkaasi ka soo jeediyay waxana y si wayn ugu mahadnaqeen Hayada bisha Cas ee Imaaraatka oo ay xuseen in deeqdeedani ku soo beegantay waqti ay aad ugu baahnaayeen dadka agoomaha ah iyo kuwa danyarta ah ee ku nool Boorama
Wariye:mustafe caraale