Saturday, February 1, 2014

Baraawe:Al-shabaab Oo manta Calamada Dawladaha Xulufada La ah Mareeykaka israa.iil Ku Gubtay Goob Fagaare ah


bar_7Baraawe (GNA)—Dibad bax balaadhan oo Maanta ka dhacay Magaalada Baraawe oo ay soo qaban qaban qabiyeen  Xarakada Al-Shabaab ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose Sh Maxamed Abuu Cabdallaah, Sh Jaamac C/salaam iyo Sh Xasan Takar .




 




Diabd baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya oo dhawaan kamid noqday Ciidamada AMISOM, Waxa sidoo kale ay wateen dibad baxayaasha Boodhadh ay ku qornaayeen halkudhigyo ay kamid ahaayeen ”Itoobiya kuma raaxeesan doonto Soo galitaanka Soomaaliya”.




 




Intii uu socday dibad baxa ka dhacayay Magaalada Baraawe ayaa halkaasi waxaa lagu gubay Calamo badan ay kamid ahaayeen Calamada Dalalka Mareykanka , Israa’iil , Itoobiya iyo Uganda.




 




Dibad baxayaasha kasoo horjeeday soo galitaanka Ciidamada Itoobiya iyo ku biiridooda AMISOM ayaa socod ku maray wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baraawe ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab




bar_8 bar_9 bar_4




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




bar_2 bar_1 bar_12 bar_10 bar_7




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




Gobanimonews-Desk




Baraawe/Somalia