Wednesday, February 26, 2014

Muqdisho: Haweenay Toogasho ku dishay Ninkeedii


Muqdisho(GNA)-Masuul ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumada federaalka Somalia ayaa saaka lagu toogtay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.




Sida wararku sheegayaan masuulkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Shiikh Sadiiq (Jarati), waxa toogatay mid ka mid ah dhowr xaas oo uu qabay.




Gabadha ayaa rasaas ku furtay saaka aroornimadii xili uu isku diyaarinayey inuu shaqo tago.




Haweenayda ayaa dilka ku fulisay Qori uu N inkeedu lahaa oo Guriga u yaalay.




Lama hayo faahfaahin ku saabsan sababta keentay in haweeneydan ay toogasho ku disho seygeeda oo ka tirsanaa masulliyiinta wasaarada arrimaha gudaha, hase ahaatee dad ehelada qoyska ah ayaa sheegay iuu jiray khilaafaad qoys oo ka dhexeeyay.




Illaa hadda lama hayo warar sheegaya in haweeneyda dishay seygeeda ay baxsatay iyo in gacanta lagu dhigay.




Dhowaan ayey aheyd markii sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugida ay isagoo hurda qorigiisa ku toogatay xaaskiisa oo kula nooleyd guri ku yaala degmada Xamar Jajab.




Dhacdooyinka noocan ah ayaa hadii ay sii socdaan dhibaato ku keenaya wada noolaanshaha qoysaska iyo nabad-gelyada dhexdooda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com