Wednesday, February 26, 2014

Sibidhka Itoobiya iyo ka Cumaan laga keenaaba waa horumar. Sacad Cali


Waxaan caawa si kooban u faalayn doonaa laba arimood oo waano midka midi tahay iyo arinta kale oo ku saabsan dacayad ay warbaahinta qaar kula kaceen shirkad ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato muwaadiniini




hadaba hadaan ku horeeyo arini waa marag ma doon wan ta ku saabsan sibidhka omaniga ee ay keento sirkada salaama arintaas waxaan filayaa in tayada sibidhka cumaaniga ah ee dalka yimaada ay ka mar kacayaa dhismayaasha waawayn ee ka dhisan guud ahaan dalka s/land taa macnaheeduna yahay in shirkada sibidhka keentaa ay keenaysay mudo ku dhawaada 18kii sanadood ee u dambeeyay waana mudada ay dhisantay s/land hadaba ma fiicna in muwaadin ganacsigiisu qayb qaatay dib u dhiska dalka laga fidiyo daacayado aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka midna taasi waa taa anigoon ku xad gubayn ganacsatada kale ee muwaadiniinta hady yihiin kuwan imika itoobiya ka keenay iyo kuwa kale toona




arinta kale ee aan doonayaa waxa weeye xidhiidhka u dhexeeya saxaafada iyo ganacsiga waxa weeye xayaysiis iyo kobcin ay saxaafadu isla garab taagto muwaadinka ganacsadaha ah ee dalkiisa iyo dadkiisaba wax ku soo kordhinaaya balse maaha in ay xadka ka baxado mida aan ku darayaa waxa weeye maaha saxaafadu inay huriso dab ganacsi ama ha ahaado ka shamiitada ama ha ahaado kan maanta ee aan dareemi karaayo inuu abaabulaa




 




by sacad cali kahin raamalay plucky