Tuesday, February 25, 2014

Khilaaf ka dhex qarxay Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta Somaliland


Wasiir Cukuse oo Asluubtii siyaasadda ka araday, Handidaada Suxufiyiintana Sarwaan ka dhigtay.Akhri halka uu salka ku hayo Khilaafka Warancadde ka dhexeeya…




Hargeysa(GNA)-Khilaaf ayaa la sheegay inuu ka dhex taaganyahay Wasiirrad arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta Xukuumadda Somaliland, kaasoo ka bilaamay kulan Wasiirka Arrimaha guduhu Warbaahinta la yeeshay todobaadkii hore.




WARANCADDEWasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa la sheegay inuu ka cadhooday kulanka uu Wasiirka Daakhiliga Cali Waran-cadde la yeeshay Warfidiyeenada madaxbanaan oo uu kala hadlay arrimo la xidhiidha wacyi-gelinta Diwaan-gelinta Medeniga ah ee Wasaaraddiisu fulinayso iyo joojinta erey bixinta Qabyaalada ku salaysan ee ay bulshadu isu mariso Warbaahinta.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhadhow labada wasiir, khilaafkoodana xogogaal u ah, Cabdilaahi Cukuse ayaa la sheegay inuu Waran-cadde ku canaantay sababta uu ula kulmay Saxaafadda, isagoo aan waxba kala socodsiin isagoo ah wasiirka Warfaafinta, waxaanu ku andacooday inuu xad gudub shaqo ku sameeyay.




“Khilaafku wuxuu ka dhashay Wasiir Cukuse ayaa Cali Waran-cadde Telefoon kala hadlay, dabadeedna ku yidhi maxaad ula shirtay warbaahinta ee aad shaqadayda iigu gacan dhaaftay, waran-caddena canaantaa wuu ku gacansaydhay, halkaasuu ka bilaamay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay sarkaal sare oo dawladda ka tirsan.




Warka ayaa intaasi ku daray in markii isku dhacu halkaasi bilaamay, waxa la sheegay in  dhawr maalmood ka dib Wasiirka Warfaafintu la xidhiidhay Badhasaabadda Gobollada qaarkood isagoo ka dalbaday inay caasimadda yimaadaan oo uu shir gaar ah la qaadan doono.




Dadka laga soo xigtay Warkan ayaa tilmaamay in qaar ka mida Guddoomiyeyaasha Gobollada oo Hargeysa ku yimi dalabka Cukuse uu ka war helay Wasiir Waran-cadde,dabadeedna uu xafiiskiisa ugu yeedhay, taasoo markii ay uga warbixiyeen qaabka loogu yeedhay  uu si weyn uga biyo diiday ficiladda uu wasiirka ay isku xukuumadda yihiin kula yooyootamayo.




Cali Maxamed Waran-cadde ayaa la sheegay inuu madaxtooyada uga ashkatooday Wasiir cukuse, inkasta oo aan la ogayn in madaxtooyadu arrintan faro gelisay iyo in kale, isla markaana sida aanu wararka ku helnay ashkatadu labadii maalmood ee ugu dambeeyay madaxtooyadda gaadhay.




Wasiir Cukuse ayaa tan iyo markii uu xilka Wasaaradda Warfaafinta qabtay xusul duub ugu jira inuu xuurto ku qabto Saxaafadda Madaxbanaan ee dalka,waxaanu si taasi ugu suurto gasho uu u kala fur-furay warfidiyeenada oo uu qaar saaxiib dhow ka dhigtay, qaarna fogeeyo.




Inkasta oo kulanka uu saluugay oo dhacay 18 Bishan aan duruuf loogu yeedhaa jirin,sabab uu dood uga keenaana jirin, maadaama Saxaafadda madaxbanaan Xafiiskiisa iyo Wasaaradda toona laga maamulin, hadana talaabada uu qaaday waxay caddeynaysaa lahashada uu qabo ee ah inay warbaahinta dalku gacantiisa ku jirto.




cukuse




 



Waxaanay arrintiisu sii xoojinaysaa ficilo kale oo uu beryihii ugu dambeeyay caadeystay, kuwaasoo ay ka mid tahay Hanjabaad iyo canaan ka badbadina oo uu Warfidiyeenada u geysto, kuwaasoo uu doonayo inuu bahda kaga saaro kuwa uu dhiiranaanta suxufinimo ama shakhsiyaddeed ku arko.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com