Wednesday, February 26, 2014

Birtaa Ducaysay!


Jididka ayaa ah halwlayaasha uu wadan leeyahay Dalkan Somaliland oo hada saddex iyo labaatan jirsaday waxaa sanadkii 2011- hogaanka dalka qabatay xukuumad shacbiga Somaliland ay kusoo doorteen gacmahoodauuna hogaamiye ka yahay madaxweynaha qaranka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana markiiba Hay’adda wadooyinka oo tayeedu ahayd mid aad u liidata la hoos geeyey Wasaarada Madaxtooyada oo uu Wasiir ka yahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah shakhsi jecel horumarka wadankiisa.




Ka dib markii Wakalaada Horumarinta Wadooyinka Somaliland si toos ah loo hoos geeyey Wasaarada Madaxtooyada waxay lasoo baxday dardar cusub iyo horumar soo wada jiitay indhaha dadka caafimaadka qaba, Wasaarada ayaa wadanka ka bilowday Mashaariic aad u badan lagu horumarinaayo Jidadka Somaliland.




Dhawaan ayey ahayd markii aan Safar kaga soo kicitinay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer anagoo kusii jeedna Caasimada Somaliland ee hargeysa, waxaan kasoo baxnay burco aniga iyo koox Suxufiyiin ah xili ku beegan shantii galabnimo, intii u dhaxaysay tuulada Hudisa iyo Magaalada Berbera waxaan kusoo aragnay Wado xumo jidka oo aad u baaba,ay dayac awgii iyo gaadiidka oo aan u tudhayn ka dib markii aan magaalada Berbera soo gaabdhnay fiid horaadkii waxaan si toos ah ula laabanay Wadada hargeysa maadaama uu wakhtigu ahaa habeen safarkayaguna uu dheeraa, waxaanu toos u qabsanay toobiyaha isku xidha hargeysa iyo magaalo xeebeeda berbera.




Intii u dhaxaysay Magaalda berbera iyo Tuulada Xamaas laamigu waxaa uu ahaa mid aad ka dareemayso burburka sida uu uu goo,go,ay markii aan xoogaa dhaafnay Tuulada Lafaruuq, baabuurtii aan wadanay waxay noqdeen qaar habaarka dib u tuuray ka dib markii ay heleen jid uu gaadhigu gaadhay heer uu sanqadh daayo kiiloomirtirkanaxawaarihiisu kor u kacay, waxaana uu ahaa jid cusub oo labeentii leh si hagarla,aana loo dayactiray ismarkiiba ragg baabuurka ila saarnaa ayaa ku dhawaaqayWAAR KAN BIRTAA DUCAYSAY , waraysi aan lasoo yeeshay dadkii ku dhaqnaa tuulooyinkaa aan soo marnay ayaa noo sheegay in Laamiga si mucjisada leh loo dayactiray looguna Magacdaray WADO XIRSItaasi oo aad nooga qoslisay , balse waxaa ay noosheegeen dadkaasi kala duwan ee aan la kulanay inay aad ugu mahad celinayaan Xukuumada iyo Wasiirka Madaxtooyada iyagoo qiray inaanay waligood soo marin Dawlad sidan oo kale isugu xilqaanta hourmarkan Dalkeeda iyo danta Umadda maankanaaanay ku hayn inay dib usoo marayso mid ka danbaysa Xukuumada Siilaanyo.




Dhankastoo ay ahaataba Xukuumada Siilaanyo ayaa noqonaysa Xukuumadii ugu horaysay ee soo Marta Dalka si lama huurana wax uga qabata Jidadka lagu madhay ee 20-ka sano daashatay wado xumido Maanta Wadada Isku Xidha Hargeysa iyo Berbera waa mid aad isku halaynkarayso oo aanad kasii werweri doonin wakhtiga aad gelayso taraaga.




 




 




Mohamed elmi hassan (Shiine)




Hargeysa/Somaliland




Shiine1433@hotmail.com