Thursday, February 27, 2014

Gawaadhi Khamri lagu soo Qariyay oo lagu qabtay fara-weyne


Somaliland: Khamriga ayaa  la aaminsanyahay inuu si ka xawli badan xiliyadii hore u soo galo magaalooyinka waaweyn iyo Degmooyinka xuduudka saaran xuduudka Somaliland iyo Itoobiya




Khamri Fara-weyne(GNA)-Wararka naga soo gaadhay Degmada faro-weyne ee ku taala Kuunfur Galbeed Gobolka Maroodi-jeex, ayaa sheegaya in lagu qabtay halkaasi Gaadhi Khamri sida Caawa Fiidkii.




Gaadhiga oo ah nooca Surf-ta la yidhaahdo , ayaa la sheegay inuu siday in ka badan 30 Shirikaan oo Khamri ah, kaasoo uu ka soo qaaday dhinaca Itoobiya, kuna soo waday Magaalada Hargeysa .




Ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay Hay’adaha amaanka ee Gobolka iyo maamulka Degmada, hase ahaatee Saraakiil ka tirsan Laamaha nabad-gelyada, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in bilaysku gacanta ku dhigeen fiidnimadii caawa Gaadhiga Daroogada siday iyo laba Nin oo watay, laguna qabtay meel dhinaca Hargeysa ka soo xigta Magaalada Faro-weyne ee Xuduudka saaran.




“Gaadhi Surf ah  wateen  laba nin ayaa lagu qabtay meel u dhow degmada faraweyne, gaadhigaasi wuxu siday khamri xajmigiisu gaadhayo 35 shirikaan oo labaatan qaadeyaal ah”sidaasi waxa yidhi Sarkaal ka tirsan Hay’adaha amaanka ee Gobolka Maroodi-jeex.




Warku wuxuu intaasu ku darayaa in la tuhunsanyahay gaadhi kale oo isna Khamri sidaa inuu isla caawa ka soo gudbay deegaankaasi, kaasoo isagana lagu daba joogo.




Degmada Faro-weyne ayaa waxa mara xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Dalka Itoobiya, gaar ahaan Gobollada Killalka Shanaad ee Soomaalida.




Waxaanay ka mid tahay deegaamada inta badan laga gudbiyo Ganacsiga Koontara baanka ah ee labada dal laysaga dhoofiyo, kaasoo dad shicib ahi ku shaqaystaan.




Dhinaca kale, Khamriga ayaa inta badan laga soo geliyaa Gobollada Somaliland dhinaca Itoobiya, iyadoo dhawr maalmood uun ka hor ay Gaadhi sidan oo kale Khamri u sida lagu qabtay Degmada Sayla oo Koonfurta Gobolka Maroodi-jeex dhacda.




Arrintan ayaa muujinaysa in si xawli ah dalka loo soo geliyo, iyadoo gobollada ugu daran uu ka mid yahay Gobolka Togdheer oo Duhurka cad xiliyadda qaar la soo geliyo, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen bulshada Gobolku.




Khamriga ayaa ka mid ah Daroogooyinka ka Ganacsigoodu somaliland ka madnuuca yahay, taasoo ah sababta Ciidanka amnigu u qabqabanayaan Gaadiidka lagu soo qaado iyo dadka sidaba.




Nooca qalalan ee loo yaqaano jiimka qalalan (DRY GIN), ayaa ah Khamriga ugu badan ee Somaliland looga soo waarido dhanka Itoobiya.Khamri2




 



Ciidamada Bilayska ayaa lagu dhaliilayaa wax ka qabasho la’aanta korodhka ku yahay soo gelinta Khamriga ee Magaalooyinka Somaliland.




Hase ahaatee Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka Togdheer oo dhawaan arrinta Gobanimonews wax ka waydiisay, ayaa sheegay inay qaadayaan hawl-galo looga hortegayo tahriibinta Khamriga iyo daroogooyinka la hal maala.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com