Monday, February 24, 2014

Somaliland:Saaxiibo 19 sanno ka hor Xabsi lagu kala xaday oo xoriyad isku helay.dhegeyso


Ismaaciil Xasan: Aniga Cabdi Yuusuf Wali waxaanu sugaynaa Cadaalad iyo magdhow”




Cabdi Yuusuf: markii lay xidhay waxaan ahaa 12 Jir, maantana sodon jir Guur seegay"hoos ka dhegeyso..




DSC00146




Hargeysa(GNA)-Ismaaciil Xasan Axmed iyo Cabdi Yuusuf Ibraahim waa laba mawaadin oo sagaal iyo toban sanadood ka hor lagu eedeeyay Dil ka dhacay Deegaanka Darar-weyne ee Gobolka Maroodi-jeex, kaasoo Cabdi Yuusuf 15 sanadood ugu xidhnaa Xabsiyadda Somaliland.



DSC00138




Ismaaciil Xasan wuxuu ahaa eedeysanaha qaraarkii ugu dambeeyay ee dhegeysiga Dacwadda labada Mawaadin lagu xukumay inuu dilay Ismaaciil Aadan Aw-saleban, hase ahaatee ku dhawaaqistii xukunka lagu bedelay Cabdi Yuusuf,isagana la sii daayay.




Cabdi Yuusuf waxa Xabsiga Mandheera laga soo daayay 13 bishii March ee sanadkii 2011, ka dib markii uu ka soo laacay 15 sanadood oo xadhig ah, balse laguma fulin xukunkii dilka ahaa ee ku dhacay.




Hase ahaatee ismaaciil ayaa isagu xidhnaa muddo shan sanadood ah intii ay socotay Dacwaddu ilaa heerka Maxkamadda rafcaanka.




Labadan Nin oo la soo xidhay iyagoo 12 sano jir ah, iyaga iyo waalidiintoodba, ayaa sagaal iyo toban sanadood ka dib xiligii la soo xidhay is helay, waxaanay labadooduba tirsanayaan  cadaalad daro iyo xad-gudub sharci oo aan mag dhow laga siniin.




Laakiinse Ismaaciil, ayaa wali ku dooddaya in laga dulqaado Dhagartii loo xambaariyay ee uu u xidhnaa Saaxiibkii Yuusuf “Magacayga waxa la yidhaahdaa Ismaaciil Xasan Axmed, waxaa aniga iyo Cabdi Yuusuf nalugu eedeeyay Kiis Dil ah oo aanaan geysan, kaasoo dambi baadhistu markii nala soo xidhay ay igu yidhaahdeen waxa qirtay cabdi, hadana markii maxkamadda aniga laygu xukumay, ee hadana lay siidaayay”ayuu u sheegay Gobanimonews shalay isagoo la taagan Aabihii iyo saaxiibkii Cabdi Yuusuf.




“waxaan caddeynayaa inaan dilin Marxuumkaa nalugu eedeeyay inaanu dilnay, hadaba waxaan codsanayaa in layga dul-qaado dhagarta aanan geysan ee lay saaray oo cadaalad aanu helno”ayuu hadalkiisa raaciyay.




 



DSC00135Ismaaciil, ayaa ka dacwoonaya xadhig shan sanadood uu ku soo qaatay Xabsiga iyo tacadiyo kale oo loo geystay xiligii dacwaddiisu socotay, laakiinse mooraal ahaan wuu ka niyad iyo fur-furnaan wanaagsanyahay Cabdi oo aan wali si fiican uga soo wada kaban noloshii xabsiga.



“wali maan helin wax magdhow ah, laakiinse wali rajo ayuunbaan ku jiraa”ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Ibraahim oo isaguna xaaladiisa ka waramay.




 Cabdi ayaa sheegay inaanay wax badani noloshiisa caadiga ah iska bedelin, marka laga yimaado xoriyadda uu helay iyo inuu qoyskoodii ku soo noqday sanado badan ka dib “dee markii lay xidhay waxaan ahaa Inan yar, iminkana waxaan ahay Nin weyn. markaa wixii noloshayda xabsigu igu dhaafiyay, sida waxbarasho, Guur iyo arrimaha kale ee aasaasiga ah wali maan helin.




Laakiinse waa wax Ilaahay lagu mahadiyo mar hadii aan maanta xoriyad ku noolahay, wixii kale waan iska heli”ayuu u sheegay Gobanimonews.




Cabdi oo sanadkii 3-aad ka sokeeya Xabsiga Ayaan wali wax shaqo ah helin, balse rajediisa nololeed wanaagsantahay.




Waxa uu baaq u diray Dawladda Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah, kuwaasoo uu ka dalbaday in magdhow laga siiyo xabsigii dheeraa ee loo geystay.




“waxaan dawladda ugu baaqayaa inaan helo magdhow cadaaladdeed, taas ayaa ka codsanayaa dhamaan Hay’adaha Caalamiga ah iyo dawladdaba,iyaddoo aad moodo in saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay isbedel cadaaladdeed muuqdo”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Labada nin iyo qaar ka mida Eheladdooda oo uu ku jiro Ismaaciil Aabihii ayaa intii wariyuhu la joogay u muuqday dad dareen ahaan faraxsan oo degen, hase ahaatee waxa ka muuqatay saameyn ay noloshooda iyo dadnimadooda uu ku reebay waayihii ay Garsoorka ku dulmanaayeen.




Cabdi iyo Ismaaciil, ayaa ka mid ahaa dad badan oo Dulmi kala kulmay Hay’adaha Garsoorka Somaliland labaatankii sanadood ee la soo dhaafay.




Waxaana ka mida Nuura-diin Gamateysan oo ah Itoobiyaan sanadkii hore Xabsiga Mandheera laga soo daayay 13 sanadood uu u xidhnaa dil ka dib iyo kuwo kale oo wali baaqi ku sii ah Xabsiyadda dalka, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mida dadka u dhaqdhaqaaaqa Xuquuqal-iinsaanku.




DSC00137




 Halkan ka dhegeyso Waraysi aanu la yeelanay labada Mawaadin Ismaaciil iyo Cabdi Yuusuf:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Saxibo-cadaalad-.mp3"][/audio]



Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa  Office