Monday, February 24, 2014

Boorama: 2 Carruur ah oo ku dhintay Caano ay cabeen


Borama1




Boorama(GNA):-waxa maalintii shalay lagu aasay magaalada boorama laba caruurra   oo walaalo ah,  carruurtan ayaa ku balalooday canno  dhanaan oo ay cabeen, sida eheladoodu sheegtay.




labo kale ooy walaalo ahaayeen caruurta ku dhintay Caanaha  iyo hooyadood ayaa iyaguna dhaqtarka ku jira.




dadkan caanaha ku waxyeeloobay ayaa tiradoodu tahay  lix qof oo kala ahaa shan carruura iyo hooyadood.




Hooyada iyo Caruurta Cisbitaalka ku jira ayaa  xaaladooda caafimaad ay kasoo kabanayso sidii shalay ahaayeen.




Qoyska ayaa degen Magaalada Boorama.




Ma cada ilaa hada sababta keentay dhibaatada nololeed ee Canaha ka soo gaadhay qoyska, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha baadhista iyo Saraakiisha Caafimaadka Gobolka toona.




hase ahaatee Masiibadan ayaa ah mid si weyn looga hadal hayay Magaaladda.




Gobanimo news




Borama-somaliland