Friday, February 28, 2014

Somaliland: Saraakiil Boolis ah oo la xidhay


Hargeysa(GNA)-Gaashaanle Muuse Axmed oo sida la sheegay ka mida Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa xalay  xabsiga loo taxaabay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Bilaysku.




Sarkaalkan ayaa lagu eedeeyay inuu Damiintay Gabadh ka mida dadkii ku daymoobay Mashruucii Jiif oo Jaq oo baxsatay, taasoo markii la waayay Sarkaalkan loo xidhay.




Gaashaanlaha ayaa laga soo qabtay Xaafadda New Hargeysa, iyadoo lagu xidhay Taliska Qaybta Bilaska ee Magaalada Hargeysa.




Inkasta oo ay qaar ka mida Saraakiisha Ciidanku noo xaqiijiyeen xadhiga Askarigan, hadana Taliska Ciidanka Bilayska oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino, ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Cabdilaahi Fadal Taleefoonkiisa gacanta oo Wariyeyaashu garaaceen uu  ka jawaabi waayay.




Xadhiga Saraakiisha Ciidanka




Dhinaca kale, xadhiga Sarkaalkan ayaa xili sida warar aanu ka helnay Taliska Guud tibaaxayaan in Afar Sarkaal oo kale halkaasi ku xidhanyihiin, kuwaasoo loo heysto Amar diido iyo eedeymo maamul xumo.




Saraakiishan ayaa la sheegay in Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan amray Xadhigooda, isagoo ku eedeynaya arrimaha aynu kor ku soo xusnay.Gashanle




Laba todobaad ka hor ayuunbay ahayd markii xabsiga laga sii daayay Hogaanka caafimaadka ciidanka booliska Gaashaanle Sare Maxamed Cali Oday oo tan iyo horaantii bishii November ee sanadkii hore Xidhnaa.




Gaashaanle Maxamed Cali Oday oo intaan la sii deyn  todobaadyo ka hor laga soo wareejiyey xabsi guri uu ku jiray,loona soo wareejiyay Taliska Ciidanka Birmadka, ayaa xadhigiisu sida la sheegay ka danbeeyey khilaaf soo kala dhex galay taliska guud ee ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, in kastoo aan la cadeyn  khilaafkaas nooca uu yahay.




Saraakiisha xidhan ayaa sida la sheegay qaarkood hogaano ciidan ahaayeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com