Wednesday, February 26, 2014

Somaliland: Guurtida oo Guddi deg deg ah u diraysa Xaaji-saalax


Saleban Gaal: Waa in gacan bir ah lagu qabto Dilkii Xaaji Saalax ka dhacay”.




S. GaalHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag uga hadlay dil habeen hore ka dhacay Deegaanka Xaaji Saalax oo aano hore loogu dilay Taliyihii Bilayska Degmadaasi.




Dablay hubaysan ayaa habeenkii Salaasada toogasho ku dilay Alle Taliyihii Ciidanka Bilayska ee Degmada Xaaji Saalax, Darawalkii gaadhigiisana dhaawacay, dilkaasoo daba socday Anno Sarkaal dhawr iyo toban sanadood ka hor lagu dilay Oodweyne iyo Ganacsade Burco lagu dilay.




Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleban Maxamuud Aadan oo ka hadlayay Fadhigii maanta ee Aqalka Odayaasha soo jeediyay in arrintaasi gacan bir ah lagu qabto si loo soo afjaro.




“Degmada Xaaji Saalax habeen hore arrin fool xunbaa ka dhacday, waa arrin soo noqnoqotay oo u baahan in la soo afjaro, laba Nin oo madax ah ayaa iska daba tegay oo la dilay”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleban Maxamuud Aadan.




“Waa in arrintaasi gacan bir ah lagu qabto oo aanay dib ugu soo noqon”ayuu hadalkiisa ku daray.




Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday inay Guddi deg-deg ah u dirayaan Deegaanka Dilku ka dhacay “Guddi deg deg ah ayaanu u diraynaa”.




Dhinaca kale, wuxuu soo dhaweeyay xalintii lagu soo afjaray Khilaafkii Shir-guddoonka Wakiillada, taasoo uu ku tilmaamay badbaado Qaran “arrintaa soo afjarideedu waxay guul u tahay Qaranka”.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com