Monday, February 24, 2014

Mid kamid ah Hogaamiyaasha ugu qatarsan dunida si weyna loo raadinayay oo la qabtay


Ciidamada Dowlada Mexico oo gacan weyn ka helayay kuwa Dowlada Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Hogaamiyaasha ugu qatarsan dunida sanado badana si weyn loo baadi goobayay.




Ninkan Hogaamiyaha ee la qabtay ayaa lagu Magacaabi jiray Joaquin ‘El Chapo’ Guzman, waxa uuna ahaa Hogaamiyaha Koox caan ah oo si weyn uga ganacsatada daroogada oo lagu Magacaabo Sinaloa .




Hogaamiyahan sida weyn loo baadi goobayay ayaa lagu qabtay gobolka Sinaloa kadib howl gal balaaran ay iska kaashadeen Ciidamada la Dagaalanka Daroogada ee Wadamada Mexico iyo Mareykanka.




Dowlada Mareykanka ayaa hogaamiyahan la qabtay horey madaxiisa u dul dhigtay lacag dhan 5-Milyan oo Dollar, ninkan lagu naaneeso Ninkii gaabnaa ayaa ka baxsaday xabsi amaankiisa si weyn loo adkeeyo sanadkii 2001-dii , iyadoona soo qabashadiia ay qaadatay mudo sanado ah.




Enrique Pena Nieto Madaxweynaha Dalka Mexico ayaa si weyn usoo dhaweeyay howlgalka lagu soo qabtay mid kamid ah ragii ugu qatarta badnaa dunida mudo sanado badan ahna la baadi goobayay.




a




guzman_7




i




s




w