Wednesday, February 26, 2014

Halis balaadhan oo laga helay dadka isticmaala Internet-ka waqtiga Hurdad ka hor : Daraasad Cusub


(GNA)Waxaa hubaal ah in dadka xiligaan jira intooda badan ay isticmaalaan Internet, ayadoo waliba ay jiraan qaar ku qabatimay, isla markaana saacad walba lagu dhex arko isticmaalka aaladaha kala duwan ee Internet-ka.




internet use




 




 




 




 




Hadaba iyadoo taasi jirto ayaa hadana dadka intooda badan waxa ay internet-ka isticmaalaan xiliyada habeenkii ka hor hurdada, taasoo digniin iyo qeylo dhaan ay kasoo saareen qubaro daraasado kala duwan ku sameeyay maskaxda bini aadimka.




Waxeyna daraasadan cusubi cadeysay in dadka u badan dhalinyarada soo koreysa ee habeenkii ka hor hurdada hor fadhiista Internet-ka ay lasoo dersaan dhibaatooyin baaxad leh oo sababi kara cuduro halis ah. Halista laga helay arintaan ayaana waxaa ka mid ah:




use internet




 




 




 




 




 




Walaac joogto ah, Indho madoobaad/La’aan, qofka isagoo hurda  hadana isla hadla,




Qofka isagoo hurda ayuu warqado dirayaa ayey leeyihiin culumadani.




sidoo kale qofka maskaxdiisa ayaa cuslaata,




hadii uu ardey yahay wax barashadu wey ku adkaataa niyadna uma yeesho,




qofka isagoo hurda ayuu is rog rogayaa  si xad dhaaf ah




xasuusta ayaa ka yaraata maalinba maalinta ka danbeysa




wuxuu noqdaa qof daciif ah maskax ahaan iyo fikir ahaanba..




Diyaariye;-C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Hargeysa/Somaliland