Saturday, February 22, 2014

Hargeysa: 20 jir Xaafidul Qur’aan ah oo ku dhintay Shil-gaadhi


Hargeysa(GNA)-Hal qof oo Wiil ah ayaa ku dhintay Shil gaadhi oo Jimcihii shalay ka dhacay Xaafadda 150 ee Magaalada Hargeysa, sida ay goob-joogeyaal u xaqiijiyeen Gobanimonews.




Maxamuud oo ahaa Wiil 20 Jir  ah oo Xaafidul Qur’aan,kaasoo  sida naloo sheegay dhamaystay Xifdiga Qur’aanka,   ayaa ku dhintay Shilka, ka dib markii uu la qalimay Gaadhi Surf ah oo ay la socdeen isaga iyo laba kale oo Asxaabtiisa ka mida oo midkood Gaadhiga Darawal ka ahaa.




Shilkan ayaa dhacay, ka dib markii gaadhiga ay wateen isagoo wadada maraya Bireega ka qabtay Caruur yar-yar oo wadada marayay “Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa Wiil Qur’aanka iminka dhameeyay oo Xaafid ah, anigu maan joogin goobta ee wiil kale oo la socday oo ayaa ii sheegay in gaadhigu la qalimay iyagoo wadada maraya,ka dib markii uu ka qabtay Darawalku caruur uu waddada kaga soo baxay”sidaasi waxa yidhi Maxamed Macalin oo Marxuumka dhintay ay saaxiibo ahaayeen.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka oo la xidhiidha Shilkan iyo sida uu u dhacay, hase ahaatee goob-joogeyaal ayaa intaasi ku daray in Wiilka dhintay Gaadhiga la barayay, inkasta oo aanu isagu markaa wadde ka ahayn.




Marxuumka dhintay ayaa Maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay dad badan oo asxaabtiisa ahaa iyo Eheladiisa.




Shilalka Gaadiid ayaa mushkilad joogto ah ku haya Bulshada, iyadoo ay sanad kasta ama bil kasta Boqolaal qof naftooda ku waayaan Shil gaadhi, kuwo afar jibaar ka badana dhaawacyo ka soo gaadhaan.




Sababta dhalisa inta badan shilalka ayaa ah laba arrimood oo kala ah Masuuliyad darro dhanka Darawaliinta ka timaada iyo waddo xumadda Magaalooyinka dhexdooda ka jirtan oo dhibaato ku haysa Gaadiidka iyo Bulshada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com