Monday, February 24, 2014

Naadiga Aaya reeb oo Barnaamij xiiso badan ka bilaabay Borama


Borama(GNA): Naadiga aaya reeb oo kamid ah naadiyada ka jira magaalada borama ee xarunta gobalka awdal ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ka bilaabay  barnaamijyo taxane ah dhamaan dugsiyada sare ee magaalada borama ee xarunta gobalka awdal kaasi oo ku salaysnaa ujeedadiisuna ahayd  baraarujinta iyo dhiiri galint dhalinyarada waxka barata dugsiyada sare sidii ay u noqon lahayeen dad wax qora oo hal abuur sameeya  taasi oo ah u jeedada ugu wayn nee dhidibada loogu taagay Naadigani




Hadaba maalintii  shalay ahayd  ayuu naadigu booqasho ku tagay dugsiga sare ee al nour secondary school halkaasi oo ay si wayn ugu soo dhaweeyeen. Maamulka.macalimiinta iyo dhamaan ardayda wax ka barata dugsiga al nour




Xafladaasi oo ahayd mid sidii ugu heersaraysay loosoo agasimay ayaa waxa soo qaban qaabiyay nadiga aaya reeb




Munaasibadani oo uu gundhigeedu aha baraarujinta iyo dhiiri galinta ardayda wax ka barata dugsiga sare ee al nour ayaa ugu horayna waxa ka hadlay gudoomiyaha naadigani aaya reeb axmed cabdi ibraahim




{Axmed sky} waxana uu si qoto dheer uga waramay habka wax loo qoro iyo sida ugu fudud ee loo noqon karo qoraa.




Isra nuur xuseen oo ah g/ku xigenka naadiga oo madashaasi hadal ka jeedisay ayaa waxa ay ka warantay u jedooyinka loo aasaasay naadiga aaya reeb iyo waxyabihii u qabsoomay mudadii uu jiray waxa ayna xustay in naadigu mudadii uu jiray u soo bandhigay shan buug oo kala ah. Sirmaan, jacayl iyo xarakadii, suugaani ma sal guuro, enjoy your life iyo hal abuur ma noolyahay iyadoo sidoo kale carabka ku dhufatay bandhigyo kala duwan oo uu qabtay nadigu mudadii uu dhisnaa.




 xamse xasan maydhane oo ah af hayeenka nadiga oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa si aada ulafa guray tariikhda iyo wakhtigii la aasaasay kana waramay marxaadihii kala duwaanaa ee uu soo maray iyo waxyaabaha uu hiigsanayo mustaqbalka naadigu




ugudanbaydii waxaa barnaamijkaasi  soo gunaanaday c/ramaan muuse camuudi oo ah maamulaha dugsiga sare ee al nour oo si wayn u amaanay naadiga iyo hawsha wanagsan ee ay wadaan kuna dhiiri galiyay inay sii wadaan barnamijkaasi ay ka bilabeen dhamaan dugsiyada sare ee magaalada borama.




Kadib marki lasoo afmearay munaasibadaasi aya wax ay nadigu goobtaasi ku gudoonsiiyeen mamulka dugsiga 2buug oo ay ugu talo galeen kuwaasi oo kala ahaa sirmaan iyo hal abuur ma noolyahay.




Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee uu naadigani aaya reeb uu barnaamij noocan oo kale ah ka bilaabo gudaha magaalada borama taasi oo noqonaysa mid ku dayasho ugu mudan naadiyada kale ee ka jira magaalada kuna magacaaban u adeegida bulshada.




Mustafe caraale




Gobanimo news




Borama-Somaliland




1940085_419954864816415_1834957199_n1964680_419972141481354_1886164149_n




             




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




1964277_419952418149993_1932613419_n1964215_419953038149931_1564810177_n




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




1961445_419953618149873_354231140_n1927200_419959781482590_113767384_n




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




1957610_419955031483065_69199352_n1940197_419952641483304_1030132628_n




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




1947425_419951991483369_1742799823_n1940137_419953461483222_196135956_n




 




 




 




 




 




 




 




 




 




1937974_419955268149708_1015370888_n1932058_419954328149802_76440828_n




 




 




 




 




 




 




 




 




1961440_419958624816039_1983739459_n1




 




 




 




 




 




 




 




 




                                        1961427_419951671483401_1641403310_n