Wednesday, February 26, 2014

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa Duulaan ka dhan ah Al-Shabaab (Warbixin)


Muqdisho(GNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dhowaan duulaan cusub ku qaado deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, iyadoo uu soo gaba gaboobay diyaar garow xoog leh oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM.




Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in si fiican looga fikiray duulaankaas iyo nidaamka lagu shaqeyn doono, marka la xoreeyo deegaan, isagoo cadeeyay in aanay dhici doono meel la qabtay in Al-Shabaab dib u qabsato.




"Dowladda marka hore waxay xoreyneysaa dadka, kadib waxay u sameyneysaa adeegyadii aas aasiga ahaa, dabcan qorshahan aad ayaa looga fikiray, diyaar garowgeedana si fiican u socdaa, meel la qabsaday i dib loo qabsado ma dhici doonto, macquul ma ahan inay dhacdo"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo wareysi siiyay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.




Mar la weydiiyay hadii la xoreeyo degmooyinka, nidaamka lagu shaqeynayo ayuu sheegay in marka hore degmada la qabto ay ciidamada maamuli doonaan muddo labo todobaad ilaa afar todobaad, kadibna la xaqiijin doono ammaanka, isla markaana loo magacaabi doono Maamul KMG oo muddo lix bilood shaqeynaya.




somalia"Nidaamka aan ku shaqeyn doono marka hore oo degmo la xoreeyo ciidanka maamuli doono, muddo labo todobaad ilaa afar todobaad inta aan maamul la magacaabin milateriga ayaa nadiifinaya, shacabka la abaabulayaa, kadib Maamul dhisan oo KMG ayaa loo geynayaa, lix bil kadib maamul joogto ayaa loo sameynayaa"ayuu yidhi C/llaahi Goodax Barre.




 




Inkastoo marar badan ay dowladdu ku cel celisay in Al-Shabaab guluf dagaal ku qaadi doonto, hadana ammaanka Caasimada Muqdisho ayaa ah mid faraha ka sii baxaya, waxaana todobaadkii hore Al-Shabaab weerareen Madaxtooyada Qaranka, markii dagaalyahanadooda lugta ay dhaafeen dhowr bar-koontarool oo bartamaha Madaxtooyada yaalay.




 




Ciidamada AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada gobolada dalka, iyadoo ciidamada Itoobiya oo dhowaan ku biirtay howl galka ay kumanaan askari soo geliyaan gudaha dalka, isla markaana duulaan ku qaadaya deegaanada Shabaab maamulaan.