Hargeysa(GNA)-700 Qoys oo Baro-kacayaal ah ayaa la dejiyay Xaafad cusub oo laga sameeyay Koonfurta Magaaladda Hargeysa , kuwaasoo ka mida 829 qoysas baro-kacayaal ah oo laga raray gudaha Magaaladda.
Baro-kacayaasha ayaa lagu wareejiyay dhismayaal cusub oo ay u dhiseen Dawladda Hoose ee Caasimadda iyo Qaramada Midoobay.
Madaxwayne ku xigeen ka Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaaciil, (Saylici), oo ay weheliyaan Wasiirka dib u dejinta, Maayarka caasimada hargaysa ayaa ka qayb-galay Munaasibad Baro-kacayaashaasi lagu guddoonsiiyay dhismeyaasha loo dhisay.
Xaafadda la dejiyay Qoysaskan ayaa loo bixiyay Xaaji Cumar Digaale, waxaanay dhinaca Koonfur kaga beegantahay Xaafadda Maxamed Mooge, halkaasoo ay sal dhig u ahayd shantii sanadood ee ugu dambeeyay Kumanaan qoys oo Baro-kacayaal ah.
Baro-kacayaasha halkaasi degen ayaa isugu jira kuwo gudaha dalka ka baro-kacay, qaar suuqyada iyo dhismeyaasha dawladda laga raray iyo kuwa ka soo qaxay Koonfurta Somalia.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com