Burco(GNA)-Ururka Beeyada ee WADAJIR GUN TRADERS oo ah urur ay ku bahoobeen Dadka Beeyada ka Ganacsada iyo ku wa daneeya ama aqoonta u leh ayaa Xaflad uu ku qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco,waxaa ku soo dhaweeyay koox Cusub oo ganacsata ah oo ururka mid noqonaysa.
Beenyada ayaa magaalada Burco aad loogu kala Iibsataa, waxaaana xarumo ku leh Shirkaddo waaweyn oo Waddani, kuwaasoo dibada u dhoofiya noocyada Beenyada ee laga soo guro Gobolka Sanaag iyo deegaamada qaniga ku ah Geedkaasi.
Xafladan oo oo lagaga hadlay Doorka Ganacsi iyo muhiimada ay leedahay Beeyadu ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Badhasaab xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxmud Yuusuf (Ubaxle), waxaanu soo dhaweeyay abaabulka ay sameeyeen Ganacsatada Ururka ku bahoobay.
“Waxaan arkaa in dadka Garaadkiisu meel Fiican Marayo oo koray waayo waa wax wanaagsan in wax lawada yeesho,waxyaabaha qabyaalada lagula dagaalami akaraana waa wax wada lahaanshaha,beeyaduna waa khayaraad dalku leeyahay ee waa in intiina ka ganacsata iyo inta lehiba ay ilaalisaa oo la xanaaneeyaa lana weeleeyaa,reer Burco waan garanayaaa labadii oday ee ugu horeeyay ee wax wada yeesha maantana meel wacan bay maraysaa”ayuu yidhi.
Gudoomiyaha Ururka wada-jir ee Beeyada Aamina Faarax Caarshe ayaa iyana waxay sheegtay in Ururkoodu uu wax badan ka taray horumarinta, dhoofinta, suuq gaynta iyo ilaalinta dhirta,waxaanay Bulshada Somaliland u sheegtay in ururkani u furanyahay cidii kusoo Biiraysa hadii ay sheer tahay iyo hadii ay Xubinimo tahayba.
Oday Saleebaan Bidaar ayaa isna ku dheeraaday wax tarka ay Beeyadu leedahay waxaanu sheeegay inay daawo ka tahay Cuduro Badan.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office