Aniga oo ah Madaxa xidhiidhka Dadwaynaha Shirkadda Somtel Mr. Khadar Abdirahman Abdilahi waxa aan halkan ku beeninayaa warkan hoos ku qoran ee ciwaan kiisu yahay "Wargalin: Tacsi: Marxuum "Muxiyadiin Qaasim Ibraahim"" Inuu yahay war been abuur ah oo laga fidiyay Masuul sare Madaxa iibka shirkadda somtel Mr. Muxyo diin Qaasim oo warkaas been abuurka ah lagu sheegay inuu geeriyooday balse warkaas waxba kama jiraan waana war si badheedh ah meel logaga dhacaayo Masuulkaas iyo Karamadiisa iyo Aniga oo magacayga iyo telephone kayga meesha loogu qoray si been abuur ah
Fadlan warkaas hase ha daabacina maadama Qof cadaw ku ah Muxyodiin Qasiim iyo shirkadda somtel ba uu warkaas qoray Baadhi taana aanu qofkaas ku wadno sharcigana la tiigsan doono dhawaan marka baadhi taankasii soo gaba gaboobo.
Waad mahad santiin