Monday, February 24, 2014

Wax ka baro Cudurka ama aafada HIV/AIDS-ka.Q2aad


waa qaybtii dambe ee maqalkii ahaa  waxkabaro cudurka ama aafada (HIV/AIDS):.




aids5: Baadhitaan ama shaybaadh nooceeya aya lagu ogadaa?
-(Diagnosis) ama shaybaadh ba lagu sameeya dhiiga kaasoo dhiiga si khaas ah looga baadho viruska HIV. Haddii fayruska HIV laga helay, natiijada baaritaanku waa "positive". Ka dib dhiiga ayaa marlabaad iyo dhawr jeerba la baadhaa si natiijo fiican loo seeyo bukaanka.




kuwa baaritaankoodu soo baxo positive dhawr jeer, waxaa laga dalbadaa in ay maraan baadhitaano kale oo qaar ka mid ah si ay u arkaan sida cudurkau ama firasku horumar u sameeyay, iyo sidoo kale in ay ka go'aan gaaraan marka ay u bilaabmayaaan daaweynto.




Haddii qof la kulmo fayraska, waxa muhiim ah in uu iskaga baadho sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Marwalba oo hore loo ogaadaana wa marwal oo guul laga gaadho daaweyntiisa caksiguna waa la mid, Sidoo kale waxa fududaata in tallaabooyin taxaddar ah la qaadi karo si looga hortago in fayraska ku faafo dadka kale.




Ka dib marka viruska HIV jidhka ku dhaco, waxay qaadan kartaa ilaa saddex todobaad ilaa saddex bilood mudo ah ee virusku si uu dhiiga uga muuqdo baaritaankiisa. Waana muhiim in dhawr jeer baaritaanka lagu cel celiyo.




A virology form for HIV blood tests.
-Ultra sensitive HIv sensor- cilmibaadhayaal ka so jeeda Imperial College London ayaa sheegay in Nature Cordarone (October 2012 bixin) in ay leeyihiin aaladd aad u xasaasi ah oo ogaata, jermis virus keeno, oo ay ku jiraan HIV.waxay yidhaahdeena aaladan waxay tusin karta HIv 10 jeer In ka badan inta uu ku tusin karo qalab kale(HIV boi markerka) wakhtigan aan joogno, sidoo kale waxa lagu helayaa qiimo raqiis oo jaban ah aad. Dhakhtarku waxa uu ku arki karaa natiijada isagoo ka eegaya isbedel colourka solution dhiiga lag darayo laga eegayo.




6:Waa maxay fursadaha daaweynta HIV / AIDS?
Daaweynta la daaweeyo horaanta virusku waa muhiim iyada oo la siinayo daawooyinka loo yaqaan (anti retroviral ):
waxay wanaajisaa tayada nolosha , ballaarisaa Cimriga iyo yaraynaysaa halista isu gudbinta , sida ay tusmooyinka cusub ee Ururka Adduunka ee Caafimaadku soo saaray bishii June 2013.




Marka tirada unugyada CD4 qof weyn HIV -positive waa 500 cells/mm3 ama wax ka hooseeya waa in ay si deg-deg daaweyn u qaataan .
wakhti xaadirkan , ma jiraan wax tallaal ama daawayn ah ee HIV / AIDS . Laakiin daaweynta ayaa horumar weyn lagu sameeyay taas oo daaweynihi hore ka saamayn badan - waxay hagaajin karaan caafimaadka bukaanka guud ahaan iyo tayada nolosha bukaanka HIv qaba.
Noocyada daawooyinka:
1-Emergency Hiv Pills: daawadan waxa la isticmaala hadii uu qof la kulmo Fayruska HIv si uun sida hadii uu dhiig bukaan qaba hiv ay waxkaso gaadhaan oo uu shaki galo oo wakhtiga kaso waregayna yahay 72 sacdood gudahood ama (3 maalmood),wa inu isticmalaa daawadan lo yaqan(post-exposure prophylaxis)oo joojinaysa caabuqa fayrasku keenayo,sida ugu dhakhsaha badan lehna wa in loo isticmaalo
PEP waa dawo aad u culus oo waarta afar toddobaad . Waxaa sidoo kale ay keeni kartaa ( shuban , iyo , lalabo , daciifnimo iyo daal ) .
2:Dawada antiretroviral : HIV waxaa lagu daaweeyaa daawada antiretroviral ( ARV ) . Daaweyntu waxay ku dirirtaa cudurka HIV iyo hoos faafidda fayruska ee jirka . Guud ahaan , bukaanku waxay qaataan daawooyin isku dhafan oo loo yaqaan ((highly active antiretroviral therapy) .waana daawo joogto ah inta nolosha ka hadhsan.
7: Ka hor tag ma leeyahay cudurkan aan iskaga ilaalin karo (ka hortaga)?
Ugu horeynti ma jiro talaaal lagaga hor tago HIV ama daaweyn lagu tirtiro cudurka AIDS.laakiin qofwalba wuu iska ilaaalin karaa oo ka hor tag bu sameyn karaa , waxwalbana ka hortaga ayaa ugu wanaagsan, taas macanaheedu waxa weeye naftaada waa inaad bartaa sidaad uga fogaan la hayd in uu jidhkaga soo galo mid kamid ah: dhiigga, shahwada, dheecaanka xubinta taranka dumarka iyo caanaha naaska dhereerahooda oo wata HIV.
Si looga hortago faafidda HIV:
1:ka fagow galmada aan sharciga islaamku banyan.
2:ku eekow uun xaaskaga diinta islaamku ku banaysay.
3:wa in aad isticmaasho condom cusub marwal ood u galmoonayso xaaskaga,kaliya wa marka aanad kala ogeyn in adiga ama xaaskaga faysraka midkiin sido.
4:isticmaal irbad nadiifa:marka aad daawo isku mudayso.
5:hadii aad qabtid fayruska (ilaahay inaguma keeno) uu sheeg lamaanahaga,si looga baadho xaalada fayruska ee xaaskago ku jirto,daaweeyna u qaadato.
6: Tixgeli gudniinka wiilasha: Waxaa jira cadaymo muujinaya in gudniinka wiilashu yareeynayo khatarta in nin ku qaado HIV.
7:gabadha uurka leh ee qabta HIv wa in ay sida ugu dhakhsaha badan u qaadataa daaweyn deg deg ah ama xanaanayn caafimaad si looga ilaaliyo ilmaha inu u gudbo, waayo waxa la ogaadey in daaweyntaasi ka ilaaalin karto ilmaha 3 meelood 2 meel in uu u gudbo fayrasku.