Monday, February 24, 2014

Sheikh Faxal: Waxaan Dacwadaha ku dhegeystaa Geed hoostii”Warbixin


Selel(GNA) Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Salal Sheekh Ibraahim Cabdi Faxal ayaa sheegay in uu dacwadaha iyo kiisaska soo mara ku qaado geed hostii, isla markaana ay gobolka haysto maxkamad la’aan oo aanay xaruntu lahayn haba yaraaree wax dhisme ah.




 




Deegaankaas magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa iyadu ah mid ka aradan dhinaca maamulka dawladnimo, iyada oo aanay ka jirin xarumo ama xafiisyo ay ku shaqeeyaan laamaha hay'adaha kala duwan ee dawlada, sida waaxda wasaaradda Cadaalada , waaxda diinta iyo awqaafta, waaxda  garsoorka iyo kuwa kale ayaa masuuliyiinta ka jooga hay'adaha dawladda ayaa iyagu  ay yihiin kuwo aan lahayn wax xarumo ama xafiisyo ah  oo ay ugu  shaqeeyaan bulshadda ay u adeegayaan, waxaanay taa bedelkeeda yihiin kuwo ku hawl gala geedaha hoostooda, sidoo kale ma jiraan meelo ama goobo ay dhigtaan qalabka ay ku shaqeeyaan.




 




Hadaba mar aanu arrintan wax ka waydiinay Guddoomiyaha maxkamada Gobolka Salal Sh. Ibraahim Cabdi Faxal  ayaa waxa uu noo sheegay inaanu haysan dhamaanba kaabayaashii uu ugu adeegi lahaa bulshada waxaanu tilmaamay in aanu haysan xafiis uu ku shaqeeyo isla markaana uu dacwadaha ku qaado geed hoostee.




 




Guddoomiyaha maxkamada goboblka Salal isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Runtii sidaad halkan ba aad ku arkayso ee kuu muuqata ma haysano dhamaanba kaabayaashii ama adeegyadii aanu  bulshada ugu shaqayn lahayn.”




 




Sheekh Ibraahin, sidoo kale  waxa uu tilmaamay inaanu haysan waxa xafiis ah oo uu ku shaqeeyo, isla markaana uu dacwadaha soo mara ku qaado geed hoostii “waxaan ku shaqeeyaa oo aan kursiga dhigtaa geed hoostii kadibna aan dadka ku kala xaliyaa uguna gar-qaadaa, taasina waa caqabadda noogu wayn ee naga haysata xafiis la'aanta waana ta igu kaliftay in aan gurigaygii ka dhigto xafiis aan ku kaydiyo Docomante-yadii iyo waraaqihii dacwadaha ee dadka loogu garnaqay.”




 




Sh. Ibraahim Cabdi Faxal waxa kale oo uu sheegay in ay dhibaato wayn ku hayso agab la’aani, isla markaana ay ku kaliftay in waraaqaha dacwadaha ah uu ku soo daabacdo xarumaha shirkadaha gaarka loo leeyahay, "waxa kastaba waxa nagaga wayn oo ay dhibaatada ugu wayni naga haysaa waa qalab la’aan, isla markaana ma haysano meel aanu ku qoranno waraaqihii dacwadaha ee aanu dadka ku kala xaqayney oo waxaanu kolba soo barinaa xafiisyada ama xarumaha gaarka loo leeyahay, sida shirkadda Dahabshiil oo aanu ku soo daabacnaa wixii aanu ummadda u kala xaqaynay iyo wixii aanu isnidhaahno codsadaba.”




Gudoomiyaha Maxkamada Salal waxa uu  intaasi raaciyey oo uu yidh."waxay fadeexad iyo dhabar jabba ku tahay xukumadda gaar haana wasaaradda cadaaladda waana ceeb inteeda leeg hadii la yidhaahdo gobolka dhan ee Salal iyo Caasimadii Saylac waa bilaa Maxkamad markaa waxa noogu wayn ee gobolkan ka maqani waa maxkammad la’aan, waliba magaalada Saylac oo ah xaruntii gobolka waxaana uu si degdeg ah loogu baahanyahay, si loo asturo loona xakameeyo sirta dawlada iyo xukunada ummaddu si aanu dibada ugu bixin isla markaana loo hello meel lagu sugo.




 




Sh. Ibraahim waxa kale oo sheegay in uu tiraba dhawr jeer uu kala hadlay wasiirka wasaaradda  cadaaladda iyo garsoorka Mudane Xuseen Axmed Caydiid isla markaasina uu codsiyo fara badan oo u ku dalabanayo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka haysata xafiis la'aanta u  qoray waxaana uu yidhi."waxaan wasiirkayaga kala hadalnay in uu arrintan wax nagala qabto oo uu noo dhiso xaruntii wasaarada Cadaalada ee gobalka Salal ilaa hadana wax jawaaba oo aanu ka haynaa ma jirto.”




Guddoomiyaha Maxkamadda waxa kale oo uu ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay maxkamada gobolka muddadii uu xilka hayay, waxaanu sheegay in ay geed hoostii ku soo af-jareen kiisas badan oo isugu jiray dacwadaha ciqaabta guud iyo kuwa madaniga ah.




Waxa kale oo gudoomiyahu intaasi raaciye “Anagu garsoor ayaanu nahay, shaqadayadu waxa weeye dacwadaha iyo dadkaas in aanu u garsoorno, oo aanay dacwaduhu raagin. Markaa dawladda waxaan u soo jeedinayaa oo aan ku baraarujinayaa dawladdu in ay u soo jeedsato garsoorka ma hayno xafiis aanu ku shaqayno,ma hayno gaadiid aanu raacno sidoo kale ma lihin qalab aanu ku shaqayno iyo meel aanu ummada ugu adeegno,markaa wax qalab ah oo ay xukuumaddu u samaysay ma jirto, markaa caqabada noogu weyn ee na hortaagani waa qalab la’aan.”




 




By.Axmed Macalin