Tuesday, February 25, 2014

Berbera: Xukuumadda oo Markab gubtay Iskaraab u bixisay.Daawo


Berbera(GNA)-Markab ku Gubtay Duleedka Dekedda Berbera muddo ka hor, kaasoo uu leeyahay Ganacsade Carbeed, ayaa lagu eedeeyay Xukuumadda Somaliland inay ruqsad ku bixisay in la fur-furto.




Wakiilka Markabka MARYAM STAR, ayaa Maanta Warbaahinta u sheegay in la bililaqaysanayo Hantidan gaarka loo leeyahay ee ay dawladda Somaliland ka masuulka ahayd, iyadoo ruqsad loo siiyay Dad xukuumadda ku xidhan.




Ma jiro wax jawaab ah oo ay Xukuumaddu ka bixisay Eedeynta loogu jeediyay boobka Hantida markabkan oo sanadkii 2009-ka ku shuf-beelay Duleedka Marsada, balse wakiilka ayaa wariyeyaasha u sheegay in dadka boobka wadaa 12 ka kooban yihiin.




Halkan ka Daawo Shir jaraa’id wakiilka Markabka: