Boorama-(GNA)-Ururwaynaha horumarinta wadooyinka Gobolada Awdal Iyo Selel Ee ASARDA ayaa maanta soo afmeeray wajigii ugu danbeeyay ee wadada isku xidhaysa Boorama iyo Dilla waxaana munaasabadaas ka soo qayb galay mas’uuliyiinta sarsare ee ururka,culumawadiin iyo qurba joog.
Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha ururkan ASARDA Xaaji C/laahi Xaaji Ciise waxa uuna si qoto dheer uga hadlay heerarkii kala duwanaa ee soo martay waxa uuna alle uga mahadceliyay in ay ku timid waafijinta eebe,sidoo kale waxa uu mahadnaq aan la soo koobi karin hawada u mariyay cid wala oo ka qayb qaadatay dhamaystirka dhismahan wadada laamiga ah ee isku xidhaysa Boorama Iyo dila oo uu ku sheegay in ay dhantahay 24 Km.
Dhanka kale waxa uu gudoomiye C/laahi Xaaji Ciise si gaar ah ugu mahadnaqay madaxawaynaha Somaliland Dr Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay in xukuumadiisu qaybta ugu badan dhistay wadadan taas oo uu ku sheegay in ay 16KM Galigood dhiseen,waxa kale oo si gaar ah u xusay wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo uu sheegay in uu uga wakiil ahaa Xukuumada taas oo uu sheegay in uu hiil iyo hooba la garab istaagay intii ay hawlahani socdeen.
Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay gudoomiye ku xigeenka ururkan ASARDA ahna maareeyaha guud ee DAHABSHIIL Group Boorama Xaaji Ismaaciil Cabdi Riiraash mahadnaq ka dib waxa uu hoosta ka xariiqay in ay dhamaystireen wadadan u dhaxaysa Boorama wajiga labaad iyo kan saddexaadna ka dhigan doonaan Dila Kalabaydh iyo Boorama Lawyacado,waxa uuna ugu baaqay cidwalba oo Somalilander Ah in ay kala qayb qaadato bilowga wadooyinkaas cusub ee ay dhawaan bilaabayaan.
Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha ururka ASARDA oo ay ka mid ahaayeen Abiibakar Xuseen Miicaad “Shiine Dheere,Iyo Culumo iyo qurba joog ay ka mid ahaayeen Sheekh Cali Dheere Iyo Aw-Cali oo ka yimid dalka ingiriiska gaar ahaan magaalada Manchester kana soo jeeda Qurba jooga Gobolada Galbeedka Somaliland dhamaantoodna waxa ay u mahadnaqeen xukuumad iyo shacaba ka qayb qaadashada Dhamaystirka Wadadan Laamiga Ah ee isku xidhaysa Boorama Iyo dila waxa ayna alle uga baryeen in miisaanka xasanaadka maalinta qiyaamaha alle ugu daro.
Si kastaba ha ahaatee ururkan ASARDA ayaa noqonaya ururkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada Somaliland tusay in bulshadu wax qabsan karto gaar ahaan in ay wadooyin laamiya dhisan karaan waxaana ay mudanyihiin kuwo lagu daydo tusaale u noqday horumarka ka socda Gobolada ee dhinaca wadooyinka.
Gobanimo news.com
Mustafe caraale
Borama-soamliland