Saturday, February 22, 2014

Kismaayo: Ciidanka Dawladda oo lagu tuhunsanyahay inay Dileen 2 qof oo Rayid ah


Qarax Miino oo la kacay Gaadhi uu watay Masuul dawladda ka tirsan , xili Maydka laba Nin laga helay banaanka




Kismaayo(GNA)-Ugu yaraan Hal qof oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhashay Miino Dhulka lagu aasay oo la kacday Gaadhi uu watay Masuul dawladda ka tirsan, kaasoo la dhigay agagaarka masjidka Xaaji Jaamac  xaafada Lugo-baxsi ee magaalada Kismaayo gelinkii hore ee Saaka.




Dilalka iyo Qaraxyada masuuliyiinta dawladda lagu bartilmaameedsanayo ayaa ku soo badanaya Kismaayo, iyadoo laba habeen kaq hor lagu dilay Taliyihii Nabad-sugida Maamulka iyo dhawr ka mida Ilaaladiisa.




 “Gaariga masuulka waa ka badbaaday qaraxa oo loo adeegsaday miino la geliyey wado jidcadde ah oo dhuxul badan lagu iibinayey, hase ahaatee waxaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray haweeney wadada mareysay” sidaasi waxa yiri Goob-jooge Saxaafadda la hadlay.




Qaraxan ayaa dhacay saacado yar uun ka dib markii subaxnimadii saaka laga helay meel banaan ah Maydka laba Nin oo la dilay, kuwaasoo dushooda ay ku yaalaan Rasaas si fool xun loola dhacay.




Ma cadda ilaa hada cida fulisay dilka labada Nin, balse warar laga helay dhinacyo kala duwan ayaa sheegay inay xalay ciidamada dawladdu guryahooda kala baxeen, ka dibna khaarajiyeen.




Dawladda ayaan arrintan wax iftiimin ah ka bixin, hase ahaatee tani waxay imanaysaa xili qudh-goynta qoshaysan iyo qaraxyadu ku soo badanayaan Magaalada.




Magaaladd kismaayo ayaa saldhig u ah Maamulka Jubaland oo badhtamihii sanadkii la soo dhaafay lagu dhisay Magaalada Muqdisho, kaasoo ah Nimaad ku meel gaadh ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com