Cudurka macaanka oo ay la il daranyihiin dad tiro badan oo kasoo kala jeeda qaaradaha Africa iyo Asia, ayaa tirakoob calaamiya lagu sameeyay sanadkii 2013.
waxaana la ogaadey inuu hayo 381 million oo qof Guud ahaan caalamka.
cudurka Waxaa loo qeybiyaa 3 nooc oo waaweyn oo kala ah:1: type 1 diabetes(oo jidhku uuna so deynayn hormonka insulin ee maamula sonokorta jidhka) 2:type2 diabetes( kan kale jidhku wuu soo deynaya hormonka ,laakiin jidhka ayaan wax jawaab ah ka bixinayn soo deynta hormoonka) 3:gestational diabetes( oo loo yaqaan sonkorowga hooyadu yeealato marka ay uurka sido)
Hadaba waxaynu ka hadli doonaa ( type2 diabetes) oo 90% ka noqonaya tiradii 318 million een kor kuso xusnay.
A:Waa maxay type2 diabetes? Wa nooc ka mid ah noocyada cudurka sonkorowga ama macaanka oo ku dhaca da’ walba qof yar iyo qof weyn.calaamadaha hore e noocan sonkorowga lama arko inta badan,sidaa daraadeed dadka uu hayo waxa laga yaabaa inayna is ogaynba inay leeyihiin cudurkan. Qiyaasna waxa lagu ogaadey in saddexdii qofba ee qabta cudurkan in mid ka mid ah uuna dareen u lahayn cudurka.cudurka sonkorowgu waxa uu faragalin ku sameeya awooda uu jidhku ku shiidayo carbohyaydrateska si uu energy uso saaro.isagoo sabab u noqonaya in sonkorta dhiigu aad u badato ,wuxuuna ugu dambayntii sababi karaa: nerfiska oo wax so gaadhaan ama araga oo la waayo ama xanuunada wadnaha,iyo xaalado kale oo caafimaad oo faro badan ayuu keeni karaa.
B:Calaamadaha digniinta ah ee sonkorowga: haraadka,madax xanuun,caabuqa naburada,diciifnimo wakhtiga galmada.
1:Haraadka: haraadka badan waa calaamad gaar ah oo uu leeyahay cudurkan, waxa kale oo la halmaala kaadida badan,gaajo aan caadi ahayn,af qalal,miisanka qofka oo xad dhaafa ama yaraada.
2:Madax xanuun:waxa kale oo lasocda daal badan,araga oo caad fuulo,iyo madax xanuun.
3:caabuqa nabarada: Inta badan, sonkorowga nooca 2 type2 diabetes waxa la aqoonsadaa oo kaliya ka dib marka ay caafimaad cawaaqib xun leh muuqdo. Infekshannada ku faafa qaarkood iyo nabaro in waqti dheer qaata oo ay bogsiiyaan kuwa ay yihiin calaamad digniin ah. Calaamadaha kale waxaa ka mid ah infekshannada khamiir soo noqnoqda ama caabuqa kaadi mareenka iyo maqaar cuncun leh.
4:diciifnimo wakhtiga galmada: waxa uu bukaanku la kulma dhibaatooyin wakhtiga galmada,uu sababay cudurkan.waayo waxa cuudrkan uu dhaawac ku keenayaa xididada dhiiga iyo neerfaha laga helo xubnaha taranka,isago dareenkii yaraanayo,macaanka galmada la waayo,dumarka waxa uu ku keenaa xubinta oo qalasha marwalba , xaga ragana uu ku keeno awood la’aan. Qiyaasaha ayaa tilmaamaya in inta u dhaxaysa 35% iyo 70% ka mid ah ragga qaba sonkorowga aakhirka ku xanuunsan doono xagga jinsiga. Statistics loogu talagalay dumarka ayaa muujinaya in saddex meelood hal meel ah ee haweenka qaba sonkorowga waxay leeyihiin nooca qaar ka mid ah mushkiladaha galmada .
C:waxyaabaha sababa sonkorawga(khataraha):waxaa loo qeybiyaa waxyaabo aad iska ilaalin karto oo loo baahanyahay inaad ka fogaatid, iyo waxyaabo aaynaan iska ilaalin Karin oo ku xidhan hida sidaha.
1:waxyaabaha sababa eed ka fogaan kartid: qaab nololeedka oo nolosha raaxada leh ee jimicsiga ka madhan iyo waxyaabo caafimad ahaan ba u fiicnayn oo qofku isticaamlo weeye sida:
_dadka sigaarka caba
_Baruurta badan ee jidhka,
_Jimicsi la ‘aan
_cunida cuntooyinka ay ku badanyihin:hilibka,baruurta,macmacaanka,Hilibka cas ma gaduudan.
2:waxyaabaha sababa ee aanad ka fogaankarin: waxyaabo sababa sonkorawga oon qofku ka fogaan Karin ayaa jira. Taariihkda familyga ama walaalaha oo mid laha cudurkan waa sababi karta sonkorawga,dadka ka weyn 40 jir iyaguna aad bey ugu nugul yihin sonkorowga.
D:qaabkee bu u shaqeeeya Hormonka Insulin: Insuliin waa hormoon usaa maxaya jirka in uu si fiican u isticmaalo glucose sida shidaalka. Ka dib markii carbohydrates jajabaan galay sonkor ee caloosha, glucose galaa wareegga iyo kiciya ama beeryarada sii daayo insulin in xaddiga saxda ah. Insulin u ogolaanaysaa, fekerka ah ee glucose unugyada jirka si loogu isticmaalo tamar.
E:Insulin Resistence(waxa jira caabin ka hor imanaysa hormonka insulin):type diabeteska noocan sonkorawga jidhku uma jawaabayo Hormonka si uu maamula isticmaalka Glucosta .
F:maareynta sonkorawga: waxa ka mid ah qaababka loo maareeyo sonkorawga:
_cuntada: iyadoo heerka sonkorta ee dhiiga la yareynayo waxay ka caawin kartaa ka hor tag khataraha ka dhasha marka uu sii xumaado sonkarowgu,dhaktarkuna wuxu ku sameyn doonaa qorshe dajisan oo cuntada bukaanku u qaadto.
_Exercise ama jimicsiga:ugu yaraan 30 daqiiqo wa in bukaanku maalin walba sameeya jimicsi.
_iska ilaali werwerka badan:wer werku waxa uu qeyb ka qaata sonkorawga sida uu qayb uga qaato dhiig karka.
_daawooyinka afka laga qaato:bukaanka wakhtiga uu jimicsigu iyo cuntada dheeli tiran ayna xakamayn sonkorawga,waxa la siiya daawoyin.oo kala ah, Hormone insulin aya lagu mudaa bukaanka,ama daawooyin aan insulin ahayn oo ka caawinaya insulin in uu jidhku u jawaabo waxay kala yihiin daawooyinkaasi(pramlintide (Symlin), exenatide (Byetta), and liraglutide (Victoza))
_marwalba bukaanku wa inuu baadhaa heerka macaanku marayo uu u la socdaa.
G: Cawaaqibta ama dhibaatooyinka ka dhasha sonkorawga aan la xakamayn:
_xidida dhiiga : dhaawac soo gaadha xidida dhiiga kaaso sababa wadno xanuun,faalig,wadne istaag,sanad walba dadka qaba sonkorawga laba qofbaa saddexdii qofba u dhinta wadna xanuun.
_dhaawac so gaadha kalyaha:shayga koowaad ee sababa kalyo xanuunka wa sonkorawga.
_dhaawac soo gaadha nerfiska: Jiririco, kabuubyo, iyo dareenka ah "irbado lagugu mudmudayo" yihiin oo dhan calaamadaha neuropathy macaanka, qalashay, ama la xiriira sonkorowga. Tani waa waxa ugu badan ee gacmaha, lugaha, faraha, ama suulasha. Xakameynta sonkorowga ayaa kaa caawin kara si looga hortago dhib badnaan this.
_dhaawac soo gaadha indhaha:wuxu keena indho la’aan.
_dhaawaca lugaha:dhaawac soo gaadha neerfaha waxa oo keeni kara in dareemayasha lugaha la waayo oon waxba laga dareemin,isla markaana nabarada cagaha oon hore u bogsan,gangrene ka dhalato, ugu dambaynti waxa lagu daaweyn kara in cagta la jaro bukaanka.
H: ka hortaga sonkorawga(prevention):
Sonkorawga si fudud ba looga hortagi karaa waliba gaar haan noocan lo yaqaan type 2 diabetes.ugu yaraan isagoo bukaanku uu xakameeyo sonkorta jidhka isago qaadanaya cunto caafim leh,jimicsi aan badnayn,iyo miisaan aan badneyn intaasiba way yareeyan khataraha sonkorawga ka dhalat.waxa sidoo kale fiican in dadku hore iskaga baadhaan heerka sonokorta ee jdhiigu si wakhti horabaxakamayntiisa loo bilaabo,taasi waxay yareynaysaa dhibaatooyinka iyo cawaaqibta ka dhalanysa bukaanka wakhtiga dheer qabay sonkorawga.
By: Dr. Axmed-yaasiin Cismaan