Friday, February 28, 2014

Reysal-wasaarihii Al-shabaab Muqdisho ka sifeeyay oo ka damqaday weerrarada cusub


fammajo Muqdisho(GNA)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka damqaday amaan darada  Soomaaliya iyo qaabka ugu habboon ee wax looga qaban karo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya.




Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, oo reysal-wasaare dalka ka ahaa markii Kooxda Al-shabaab laga saaray Muqdisho, si weyna loogu xasuusto xasilintii qaybo ka mid ah dalka, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay kalsoonida shacabka kasbato, taasoo uu ku sheegay inay tahay dariiqa ugu wanaagsan ee u sahli kara inay nabadda dalka sugto.




Farmaajo ayaa sheegay inay amni darada qayb ka tahay fulin la’aanta balanqaadyada madaxda dawladu samayso “Deggenaasho la’aanta dalka iyo horay u socod la’aanta dowladda federaalka waxaa qayb ka ah ballanqaadyada madaxdu sameeyaan oo aan laga dhabeyn ama sidii loo qaaday aan loo fulin,”ayuu yidhi.




Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya kalsooni lagu siiyo in marka ay dagaalka la galayaan Al-shabaab ay yihiin askar u dhintay Qarankooda, balse aysan ahayn kuwo u dhintay qabiil iyo wax la mid ah, askarigii dhintana xuquuqdiisa meel la saaro wadaniyaduna ay noqoto tan lagu howlgalayo.




Farmaajo ayaa xusay in uu ka codsanayo dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda inay ammaanka ka wada-shaqeeyaan, gaar ahaan midka caasimadda Soomaaliya.




Reysal-wasaarihii hore ayaa isagoo ka walaacsan xaalada Muqdisho  wax laga xumaado ku tilmaamay in saddex sano kaddib ay Al-shabaaba ku dhiirato inay maalin cad weeraraan xaruntii ugu weynayd ee dalka looga talinayay ayna kordhiyaan weerarradooda Muqdisho.




 



Farmaajo



Al-shabaab ayaa ka baxday magaalada Muqdisho bishii Ogoosto ee 2011-kii, ka dib culays milateri oo soo foodsaaray, iyadoo markaas ay dowladda Somalia si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta magaalada.




Hase ahaatee dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxa muuqata in Dagaalyahanada Al-shabaab si xawli ah weeraro uga fulinayaan Deegaanadii ay ka caageen.




Gobanimonews




Muqdisho Office