Friday, February 28, 2014

Cesc Fabregas Oo Beeniyay Wararka Xanta Ah Ee Laga Baahiyay Xidigaha Barcelona & Lionel Messi


Messi-and-CescKubad sameeyaha kooxda Barca iyo Xulka Spain ayaa aaminsan in Lionel Messi uu wax walba u sameeyo hormarka kooxda isla markaana kooxda ay dib uga soo kabsan doonto guuldaradii sabtidii kasoo gaartay Real Sociedad.




Fabregas ayaa beeniyay wararka xanta ah ee ay faafiyeen saxaafada Spain oo la xiriira in qaar ka mid ah xidigaha kooxda Barcelona aysan ku qancin qaab ciyaareedka Messi ee kulankii Real Sociedad, wararkaan ayaana imaanaya kadib guuldaradii 3-1ka aheyd ee kasoo gaartay Sociedad.




Si Kastaba Fabregas ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan xididgaha Barcelona ay ku faraxsan yihiin shaqada adag oo uu qabto Lionel Messi, isla markaana guuldaradi ay soo wada gaartay naadiga oo dhan oo aysan ku wajahneen qof qaas ah.




“Hadii uu joro qof qaadi kara culeska sharafta kooxda waa Lionel Messi oo kaliya, wax badan ayaana la I weydiiyay waxaana ku cel-celiyay sadex jeer” ayuu Fabregas u sheegay AS.




“Gabi ahaanba waa been abuur wararka la xiriira Leo, wuxuu u ekaa qof fiican, Leo waa shaqsiga ugu wanaagsan kubada cagta xiligaan, wuxuu sameyn karaa wax walba oo uu u baahdo wuuna ku faraxsan yahay naadiga”




“Sabtidii ma uusan faraxsaneen waayo guuldaro ayaa naadiga soo gaartay, balse Axada ayuu farxad sameyn doonaa marka aan dib kaga soo rogaal celino guuldaraas, waxaa noo haray wax badan waana wadi doonaa dadaalkeena 100%”




Messi ayaa dhaliyay 14-gool, 18-kulan oo uu saftay horyaalka La Liga xili ciyaareedkaan.