Tuesday, February 25, 2014

Nabad-sugida oo lagu tuhunsanyahay inay fududeeyeen Weerarkii Villa Somalia


Saraakiil sar-sare oo Baadhitaano lagu hayo iyo Raad hore oo Taliska Ciidanka farta ku godaya.Akhri warbixin..




Villa SomaliaMuqdisho(GNA)-Dowlada Somalia ayaa baaritaano xoogan iyo dabagal ku heysa saraakiil dhinaca amaanka ah oo lagu tuhmay inay gacan ka geysteen ama fududeeyeen weerarkii dagaalyahanada Al-shabaab ku galeen madaxtooyada Somalia maalintii Jimcaha.




Sarakiisha baaritaanada lagu hayo oo qaarkood tuhunka laga qabo uu qarka u saaran yahay in xabsiga loo taxaabo ayaa  ka tirsan yihiin ciidanka nabad sugida.




Dad tiro badan oo Masuuliyiin dawladdeed ku jiraan ayaa ku dhintay weerarkan oo argagixiso iyo af-kala qaad ku noqday mujtamaca Caalamka iyo dadka Soomaalida.




Mauuliyiin ka tirsan wasaarada amniga Qaranka ayaa laga soo xigtay warar sheegaya  in la baarayo warbixino sir ah oo la helay, kuwaasoo sheegaya muujinaya inaanay kooxdii weerartay madaxtooyadu xoog ku gelin balse ay weerarka ka hor gudaha Villa Somalia ku sugnaayeen, ayna rasaasta bilaabeen markii markii la maqlay qaraxii ugu horeeyey ee ka dhacay albaabka Bari ee madaxtooyada.




Warar aan weli  soo shaac bixin ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xoogaga weeraray madaxtooyada jeebabkooda laga helay ID-car ama aqoonsiyo la mid ah kuwa la siiyo ciidamada nabad sugida Qaranka.




Tan ayaa sii laban laabtay dareeno ka dhashay 150 aqoonsiga ciidamada ah oo uu bixiyey taliska nabad sugida, kuwaasoo aan la aqoonin cida la siiyay, loona maleynayo in loo  sameeyey Al-shabaabka.




Xoogaga Al-Shabaab ee weeraray madaxtooyada ayaa ku lebisnaa dareyska cagaaran ee lagu yaqaan ciidamada nabad sugida Qaranka.




Weerarkaas ayaa sawir buuxa ka bixiyay habacsanaanta dhanka nabad-gelyada ee ka jirta Muqdisho iyo awoodda ama fursadaha ay Al-shabaab u heshay weerarada noocan oo  kale.




Madaxda dawladda ee dhanka amniga ayaa laga sugayaa inay warbixin cad ka bixiyaan qaabka uu weerarkaasi u dhacay, hase ahaatee waxa muuqata in dibad u soo baxa tuhunadda farta lagu godayo dhanka nabad-sugidu shiiqinayaan in la helo macluumaad faro badan.




Al-shabaab ayaa weerarkan fulisay maalmo yar ka dib hanjabaad soo noqnoqotay oo ay Madaxda Dawladda ugu saraysaa Warbaahinta kaga dhawaaqeen Dagaal lagu tir-tirayo waxay ugu yeereen Cadowga nabada dalka.




Waxaanu hanjabaadahaasi ka dhigay dab-biyo ku dhacay, iyadoo ay fal celinta noocan ahi muujinayso awood Milateri iyo istaraatiijiyad Ururka Al-shabaab ku soo galay Magaalada Muqdisho.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com