Thursday, February 27, 2014

Jidka Ceerigaabo yaanu idin jiidhin” C/laahi Waaberi


WaberiIndhawayd waxa xukuumada soomaliland iyo shicib waynaha reer soomaliland oo is taageersanayaa ku hawlanaayeen, hir galinta mashruucii ugu waynaa ee abid soo mara xukuumadihii kala danbeeyay ee qarakan Somaliland, ma fududa in riyadaa laga run sheegaaa,waxay u baahan tahay, muruq iyo maal meel u wada jeeda.




Saciimkii waynaa madaxwaynaheenii hore marxuum mahame xaaji ibraahim cigaal,ayaan xasuustaa xili uu booqday Ceerigabo, shirna la qaatay waxgaradka reer Sanaag ayay waxay ku yidhaahdeen madaxwayne Dariiqaa noo dhis oo hadaaad dhistana, afar buundo ama biriijyo oo dariiqaasi yeelanayo,waxan u kala bixin doonaa Mahamed Ibraahim Cigaal iyo Qaasaali, ka dib Cigaal baa qoslay oo yidhi Qaasalina yaa idin baray, waxay markaa halkaa inooga muuqda sida ay ugu taamayeen in mar uun dariiqaasi hir galo.




Waxa kala xidhan dalwaynaha Soomaliland, xag dhaqaale iyo xag bulshaba, waxa weheliya isu socodka ganacsiga oo muhiim u ah laf dhabarta dhaqaale ee dalkeenan curdinka ah, Sanaag waa gobol ilaah ku manaystay nimcooyin iyo kheyraad kala duwan in laga faaidaysto u baahan sida xoolah nool, beeyada,beeraha iyo kheyraadka badaha oo waliba irmaan aan weelba la darin, basasha baradhada ka timaada itoobiya, toonta yeman ka timaada waynu ka kaaftoomi lahayn ugu yaraan, taasoo aynu kaga bixi lahayn wax soo saarka gobalka Sanaag.




Uma baahna jidkaasi in la dhex geliyo olole siyaasadaysan ama kursiyaysan oo dan gaar ah laga dhigo, ama dadka loo tuso in ay dawladu dan gaar ah ka leedahay, dawladda shaqo ayaa loo doortay shaqadiina way soo bandhigtay, tamarteedana ma aha inay dabooli karto dhaqaalaha ku baxayaa wadadaa dheer, waa inaynu jeebka gacanta gelinaa waana sadaqada diinteenu sheegtay inay ilaa qiyaamaha kuu soconayso.




Dr.Abdilahi Ahmed Farah (waaberi)




email mattaan10@hotmail.com