Burco(GNA)-Dawlada Hoose ee Burco ayaa Markii ugu horaysay la soo degtay Booyad kuwa Daamurka ,taasoo nooca wadooyinka lagu dhiso ah oo aaanay inta Badan lahayn Degmooyinka kale ee dalku.
Gaadhigan ayaa Baahi wayn ay u qabtay Magaalada Burco una xanib naayeen dhismo wadooyin hore u socday, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Dawladda hoose.
Booyadan oo dawlada Hoose ee Burco kasoo iibsatay dalka Chine ayaa Maayarka iyo Xogahayaha degmada Burco waxay sheegeen inay Burco iyo meelo kale oo badanba wax ka tari doonto.
maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi oo faahfaahin ka bixiyay Gaadhigan Booyada ah ayaa sheegay ''halkan Maanta waxa noo yimi oo noo Degata ka dawlad Hoose ahaan Booyad kuwa Daamurka qaada aanu kasoo Iibsanay Dalka Chine manaha Booyad la isticmaalay ee waa Macdar oo hadaa layku soo xidhxidhay,Runtiina maanta waxaanu aaminsanahay in ay wax ka tari Doonto degamada iyo meelo kale oo badan,waxaanay ka mid tahay Baln qaadadayadii aanu shcbiga Reer Burco u balan qaadnay,wax badan oo dhismaha wadooyinka ah oo aanu ku talo jiro ayaanu kaga shaqayndoonaa”ayuu yidhi Maayir Muraad.
Xoghayaha Dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sh. Cismaan oo waxtarka Booyadan ka hadlayana waxa uu sheegay inaanay qasaarin cashuurtii ay ka qaadeen ee ay u soo siiyeen Booyadan oo wadooyinka wax wayn ka tari doonta isla mrakaan wadooyinku yihiin wax yaabaha loogu baahida badanyahay.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office