Tuesday, February 25, 2014

Switzerland oo Safiir u soo dirsatay Soomaaliya


Muqdisho 25- Feb- 2014 – (GNA)-Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Switzerland Mr Domanic islamar-kaana Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu ka waday madaxda dalka Switzerland.




 



Safiir2



Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo.




 “ aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha Aqoonsiga, waxaan kaloo ku faraxsanahay in Dowlada Switzerland halkaan safiir uga matalo muda 30 sanno ka dib oo aan wax safiir ah halkaan horay inoogu joogin.” Ayuu yiri Safiirku.




Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahay sidii dalkan looga dhaqan-gelin lahaa dib-u-dhiska , Nidaamka Federaal-ka iyo xasilinta nabad=gelyada.




Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka hadlay soo dhaweynta Safiirka ayaa ka waramay xidhiidhka kala dhexeeya dalkiisa Switzerland.safiirka1




Madaxweynaha ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Switzerland sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa in uu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-udhiska dalka”.




Dalal badan oo ka mida Midowga Yurub , Afrika iyo Maraykanka ayaa Safiiro u soo dirsaday dalka Somalia, taasoo qayb ka noqotay isbedeladda dhinaca Dhismaha dawladnimada ee dalku ku socdo.




Hase ahaatee horumarka diblomaasiyaddeed ee muuqda ayaa waxa xagal daacin ku haya amaan darada ku soo kordhaysa Caasimadda waddanka oo horumarkii dhanka nabad-gelyada ee labadii sanadood ee ugu dambeeyay ka jiray soo jiidashada Caalamiga ah qayb ka noqday.Safiir3 Safiirka




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com