Wednesday, February 26, 2014

Slovakia oo magan-gelyo siisay qaxooti Soomaali ah


Slovakia(GNA)Dawlada ku taala  yurubta dhexe ee Slovakia ayaa waxaa lagu soo waramayaa 11 qof oo qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday dalka Yemen ayaa magan-gelyo ku-meel-gaar ah laga siiyay dalka Slovakia.




slovina 1




 




 




 




 




 




Hay’adda socdaalk adduunka ee IOM ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ay gaareen dalka Slovakia Talaadadii la soo dhaafay, iyagoo halkaas ka helay magan-gelyo lix bilood ku eg.




IOM ayaa boggeeda ku sheegtay in dadka magan-gelyada helay ay isugu jiraan haween iyo carruur la sheegay in lagula kacay kufsi iyo gaboodfallo kale.




Qaxootiga Soomaalida ayaa ka soo cararay dagaallada iyo xasillooni la’aanta ka jirta dalkooda.




Waa kooxdii labaad oo qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday dalka Yemen, kuwaas oo dib u dejin ka helay dalka Slovakia.




Slovina




 




 




 




 




 




Tallaabada ayaa ka dambeysa kaddib markii heshiis ay wada gaareen dowladda Slovakia, UNHCR iyo IOM




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland