Wednesday, February 26, 2014

Puntland iyo Gal-mudug oo la kala wareegay Nin Eedeysane ah


Puntland iyo MudugGaalkacayo(GNA)-Maamullada Puntland iyo Gal-mudug ayaa la kala wareegay Nin Eedeysane ah oo dhinaca Koonfurta Magaalada lagu qabtay xalay.




Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jama Tigey ayaa  gaaray xaafada baraxlay ee koonfurta Gaalkacyo,si ay ula wareegaan eedeysane maamulka Galmudug ay sheegen inuu ka mid ahaa ragii weerarka ku qaaday dad rayid ah oo ku sugnaa xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.




Inkasta oo Galmudug ay sheegtay in eedeysanahan ay Maxkamad saari doonto,oo ay ka dhega adaygtay inay ku wareejiso Puntland,hadana xiriir ay wada sameeyen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa arrintaasi xal lagaga gaaray.




Eedeysanaha oo dhaawac ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska xaafada Baraxlay ee Maamulka Gal-mudug.




Waxaanay labada Maamul  si rasmiya ugu heshiiyeen in lagu soo wareejiyo dhanka Puntland.




Eedeysanaha oo magaciisa la yidhaahdo  C/xakiin Xasan Xaamud,kaas oo Da’diisa lagu qiyaasay  16 jir, ayaa ka mid ahaa Rag hubaysan oo xalay weerar ka geystay Magaalada Gaalkacayo.