Monday, February 24, 2014

Somaliland:Digniinta Reer Galbeedku waa Arrimo siyaasaddeed”Daawo.


Xukuumadda oo Daliil cad u wayday dareenka Dawladda Ingiriiska ku dhaliyay Digniinta amniga.."Daawo.




Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay Safar uu ku tegay Boqortooyada Ingiriiska.




Maxamed Biixi Yoonis, ayaa UK booqday Maalin ka dib markii Wasaaradda Arromaha Dibada ee dalkaasi soo saartay fariin ay Mawaadiniinteeda ugaga digayaan inay u safraan Somaliland iyo Somalia.




Wasiirka ayaa sheegay in intii uu dalka Ingiriiska joogay ay Masuuliyiinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Khaarajiga UK, kala hadleen arrimaha amniga somaliland.




“walaahi Dawladda Ingiriiska waan kala hadlay digniintan, dawladda ingiriiskuna way nagala shaqaysaa arrimaha amaanka, waanan u sheegnay inaanay somaliland dhibaato amni daro ka jirin, aad iyo aadna waanu uga xunahay  inay Somaliland ku soo daraan digniinta,waxaanan isku ogayn inaanu ka fiirsadaan arrintaas, mana garanayno meel ay wax ka xunyihiin, waxaanse u malaynaynaa inay arrimo siyaasaddeed tahay”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.




Waxaanu intaasi ku daray “ waxaanu jecelnahay inaanu la sii wadno dawladda Ingiriiska wada hadalada arrimahan la xidhiidha, waxaanan kaga imi Taliyihii Sirdoonka Somaliland”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Dawladda Ingiriiska ayaa Somaliland taageero dhanka Hay’addaha amniga ah siisa, waxaana ka mida hay’adda ay Dhaqaalaha badan ku caawiso ee Somaliland ka mida Bilayska iyo Sirdoonka.




Hase ahaatee Digniinta ay ka bixiso amaanka Gobolka ayaa ah mid mar walba ku lamaan xaasaasiyadda Somaliya ee dhinaca Nabad-gelyada.




Waxa muuqata inaanay ilaa hada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Damaanad dhanka amniga ah siinin Dawladdaha reer Galbeedka oo todobaad gudihii fariimo Nabad-gelyada lagu dhaliilayo ku middeeyay Somalia iyo Somaliland.




Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Khaarajiga Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay  arrimo kale oo ay ka mid yihiin xalinta khilaafka Xisbul-xaakimka oo uu Guddoomiye u ahaa Guddida dhexdhexaadinta ee xalay Go’aamada soo saaray.




Halkan ka Daawo: