Thursday, February 27, 2014

Hay’addaha IRI oo Daraasad ka samaysay Dimuquraadiyadda Somaliland


DimuquraadiyadDaraasad laga sameeyey istaraatijiyadda taageerada caalamiga ah ee hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland, ayaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka lagu soo bandhigi doonaa Jimcaha toddobaadkan, iyadoo daarasadda lagu muujiyey meelaha gal-daloolooyinka ah ee u baahan in laga toosiyo dimoqraadiyadda Somaliland.




Daraasadda waxa lagu eegay istaraatijiyadda taageerada caalamiga ah ee hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland, kaasoo ay gacan ka gaysatay Waaxda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah ee DFID, waxa lagu iftiimiyey fursadaha Somaliland ku heli karto taageero caalami ah, iyadoo sidoo kale daraasaddu xustay inay qaadhaan-bixiyeyaasha adduunka ka caawin doonto sidii la isaga kaashan lahaa, loona qorshayn lahaa mashaariicda lagu taageeri karo dimoqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.




Cilmi-baadhistan oo la soo bandhigayo maalinta Jimcaha, waxa sameeyey mac-hadka Maraykanka ah ee IRI (International Republican Institute) oo ah mid caalamiya oo ka hawlgala dalalka dunida ee Ameerikaanku sida gaarka ah u xiiseeyo, waxana mac-hadkaas madax iyo masuuliyiin ka ah ambasadoorro hore iyo diblomaasiyiin saamayn ku leh siyaasadda dalka Maraykanka, isagoo Madaxweyne Barack Obama uu horraantii bishan February xil muhiim ah u magacaabay ninka madaxweynaha ka ah IRI oo lagu magacaabo Mark Green, taasina waxay sababtay in daraasadaha iyo warbixinaha mac-hadku diyaariyo saamayn weyn ku yeeshaan adduunka, isla markaana si gaar ah loo tixgeliyo.




Wargeyska Jamhuuriya ayaa Warbixin hordhac ah oo daraasaddan laga soo saaray sheegay inuu helay nuqul ka mid ah , isagoo maanta bogiisa hore ku daabacay.




Wargeyska ayaa sheegay  sheegay in daraasadan  xoogga lagu saaray muhiimadaha beesha caalamka iyo daneeyayaasha Somaliland isla waafaqsan yihiin ee la xidhiidha hannaanka dimoqraadiyadda, iyadoo warbixintu tibaaxday in fursadaha istaraatijiyaddan xambaarsan tahay ay ka mid yihiin qoddobbo buuxinaya gal-daloolooyinka dimoqraadiyadda Somaliland oo ay ugu mudan yihiin arrimahan hoos ku qoran;




· In Somaliland u baahan tahay taageero xooggan oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha la xidhiidha doorashooyinka, gaar ahaan taageerada diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo diyaarinta shuruucdooda, kuwaasoo khuseeya qabashada doorashooyin ku salaysan hannaan dimoqraadiyadeed.




· Waxa jira baahi loo qabo in la fuliyo mashaariic xisbiyada siyaasadda lagu siinayo taageero farsamo si loo helo xisbiyo dhisan oo siyaasadahoodu cad yihiin iyo sidoo kale in loo diyaarinayo masrax ay afkaarahooda xisbinimo si dimoqraadi ah ugu muujin karaan.




·  In la diyaariyo mashaariic kor loogu qaadayo sidii xisbiyada siyaasaddu u noqon lahaayeen qaar jira oo shaqeeya muddada doorashooyinka u dhexeeya, mashaariicdaas oo ay ku jiraan kobcinta iskaashiga siyaasiga ah iyo hay’adaha horumarinta qaabilsan.




· Taageeridda maamullada dawladaha hoose si loo xoojiyo waxyaabaha khayraadka ah oo ay ku jiraan fursadaha lagaga shaqaysiin karo iskaashiga maamullada degmooyinka iyo bulshada rayidka ah si loo maalgeliyo adeegyada dawladdu bixiso.




· In la helo mashaariic lagu xoojinayo awoodda iyo kartida baarlamaanka Somaliland si uu u guto waajibaadkiisa.




Waxa kaloo warbixinta kooban ee hordhaca ah lagu sheegay in daraasadda maalinta Jimcaha la soo bandhigayo lagu iftiimiyey sida Somaliland iyo beesha caalamku isaga kaashan karaan horumarinta hannaanka dimoqraadiyadda iyo dawlad-wanaagga, iyadoo tallaabadaasina fursad fiican u tahay Jamhuuriyadda Somaliland.




Sida warbixinta ka soo baxday Mac-hadka lagu sheegay, Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee IRI, isla markaana ah ergaygii khaaska ahaa ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalka Sudan Ambassaddor Rich Williamson, ayaa yidhi; “Hannaanka dimoqraadiyadeed Somaliland waa iftiin ka dhex dhalaalaya dalalka bariga Afrika, waddamada dariska la ahna waxay ka faa’iidaysan karaan daawashada iyo barashada iftiinka u muuqda. Somaliland waxay u qalantaa taageero caalami ah.”




Qorshaha lagu muujiyey istaraatijiyadda taageerada caalamiga ah hannaanka dimoqraadiyeed ee Somaliland, waxa diyaariyey mac-hadka IRI oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, waxaana maalgelintiisa bixiyey hay’adaha USA iyo Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah.




Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Barack Obama, ayaa bishan February 2014 Madaxweynaha ka ah hay’adda IRI u magacaabay Ambassador Mark Green, iyadoo Madaxweyne Obama u doortay inuu xubin ka noqdo guddida sare (Board of Directors) hay’ad lagu magacaabo Millennium Chalenges Corporation (MCC) oo ah dawladda Maraykanka u qaabilsan in caawimooyinka la bixiyo waxtar u yeeshaan dalalka dhaqangeliya dawlad-wanaagga, xorriyadda ganacsiga iyo maalgashiga dadka, iyadoo sidoo kale hay’addaasi ka shaqayso sidii loo yarayn lahaa faqiirnimada caalamka, loogana shaqayn lahaa joogtaynta koritaanka dhaqaalaha.




Hay’adda IRI ayaa sannadkii 2002 shaqadeeda ka bilowday dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana laga dhursugayaa faahfaahinka ka soo baxda daarasadda laga diyaariyey hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalka oo magaalada Washington lagu soo bandhigayo maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 28 February 2014