Tuesday, February 25, 2014

Somaliland: Xadhiga Wariyeyaasha oo maraya heer Masuuliyiinta Dawladdu ku Aarsadaan


Dawladda oo wax ka qabasho laga sugo kaga afeef dhigatay Garowshiyo la'aan badheedha.




Maanta: Wariye Sirdoonku ku xidhay amar Wasiir oo Maslaxad kale lagu soo daayay.Warbixin




Wasiirka-duulista21Hargeysa(GNA)-Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa lala xidhiidhiyay inuu amar ku bixiyay xadhiga Wariye Sirdoonka Gobolka Maroodi-jeex maanta xidheen, kaasoo inta la garaacay Maslaxad aqoonin ah lagu soo daayay.




Taliyaha Sirdoonka Gobolka Maroodi-jeex Muxsin Aw-cali iyo askar la socotay, ayaa saaka Hudheelka Emperial ka qabtay Suxufiga oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Keyse, kaasoo lagu eedeeyay inuu aflagaado ka baahiyay Wasiirka Duulista Hawadda.




Taliye Muxsin iyo Wariyeha oo la hadlay mareeg la yidhaahdo Farriinnews ayaa labadooduba caddeeyay in Wasiir Xaashi xadhiga amray, isagoo ka daba socda arrimo shaqo oo hore u dhex maray.




Saxafiga ayaa muddo laba sanadood ah ka shaqaynayay qaybta amaanka qaabilsan ee Madaarka Hargeysa, waxaanu taliyuhu sheegay in lagu haysto Macluumaad uu hayay xiligii shaqada uu joogay oo uu soo celin waayay iyo Fureyaal gaadhi, kuwaasoo wasiirku ka doonayay inuu ku soo wareejiyo.




Laakiinse Wariyaha ayaa sheegay in laga daba socdo siro uu ka hayo Wasiirka oo looga shaki qabo inuu baahiyo, lana doonayo in la cabsi geliyo.




Ninka Wariyaha ah ayaa sheegay in ka hor intaan la xidhin, uu Taliyaha Sirdoonku lacag ugu soo diray Telefoonka, isagoo ku war geliyay inuu ergo ka yahay Wasiirka Duulista, iyadoo markii uu u yimina u balanqaaday lacag lix kun oo Dollar ah oo uu uga sido wasiirka, taasoo uu kaga bedelanayo inuu joojiyo dacaayaddo ka dhan wasiirka oo uu baahiyo.




Xadhiga Wariyeyaasha ayaa ah mid inta badan loo maro hab sharci daro ah, iyadoo hada loo xidho Suxufiyiinta dano shakhsi ah ama Masuuliyiinta dawladdu kaga aarsadaan Wariyaha wax ka sheega dhaliilaha shaqo iyo gabood falada kale ee ay masuuliyadda ku galaan.




Bilihii ugu dambeeyey sanadkii la soo dhaafay, ayaa sabab la’aan lagu xidhay wariyeyaal tiro badan iyo xarumo Warbaahineed.  




 sida Wargeyska Hubaal oo ilaa hada u xayiran Xukuumadda talada haysa, dambi cad oo lagu haystaana jirin, hadana dhibaatooyin hore oo loo geystay loogu daray in albaabada laysugu dhuftay xaruntii Wargeyska billo ka hor.hubaal




Sido kale Wariyeyaasha ka hawl-gala Hay’addaha Warbaahinta ee Dawliga ah ayaa handidaad loogu geystaa, la shaqaynta kuwa kale ee madaxbanaan, iyadoo Wariyaha Dawladda u shaqeeya ee Laan warbaahineed oo kale oo aan ahayn kuwa dawladda ku xidhan si badheedh ah shaqada looga caydhiyo.




 



mental



 



 



Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa laba todobaad ka hor soo bandhigay in ka badan 50  wariye  oo xadhig, xad-gudubyo Jismi ah iyo cabudhin lagula kacay sanadkii 2013.




 



suxufi



Laakiinse Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir, ayaa si cad u daadifeeyay Warbixinta Ururka SOLJA soo saaray, taasoo uu ku dooday in la buun-buuniyay.




Hadalka jawaabta Wasiirka ayaa daaha ka rogay  handidaada Dawladdu ku hayso Suxufiyiintu inay tahay dhibaato aanay xataa masuuliyiintu wax garowshiyo ah ka bixin, inay wax ka qabtaan iska daaye.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com