Thursday, February 27, 2014

Wixii Rag U Kaco, Rabbina aqbalo Way Rumoobaan"by: Abwaan C.Tahar


Waxay ahayd  11:30 habeenimo kolkaanu gaadhi ku soo dulmarnay aniga iyo saxibkay Hasan Mahamed Hassan (Dalab) badhtamaha waddada halbawlaha ah ee hormarta maxdxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland laga soo bilaabo D/hoose  ilaa iyo goolada Jigjiga yar laga waday olole nadaafadeed oo ay ku hawlanyihin shaqaalaha Dawladda hoose ee Caasimadda, iyada oo  laga xaadhayey karaatoonta, bacaha iyo caagadaha sharaabka iyo biyaha laga dhameeyo.




Run ahaantii Golaha deegaanka Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hogaanka




maayarnimo  u haya maayarka-maayaradda Somaliland  Md C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaana xaqiiqo marag ma doon ah inuu si hagar la’aan ah ugu uga hagar-baxay, isla markaana ugu hawlan yahay horumarinta iyo kor u qadida bilicda Caasimadda dalka. Dedaalka iyo waxqabadka muuqda ee uu muujiyey Duqa Caasimadu waxay yididiilo u tahay u tahay shacbigii soo doortay, waxaanay marag ma doon ka dhigaysaa inuu si hagar  la'aan ah u gudanayo hawlihii loo  igmaday, waana hubaal inuu maayarka caasimadu yahay aqoonyahan heegan ugu jira hirgalinta waxqabad muuqda isagoo aqoona u leh maamulka iyo hogaaminta arimaha bulshada.




Waxaanan maayarka Caasimadda ee dhalinyarada ah u rajaynayaa inuu  ka midho dhalin doono hadafkiisa iyo guusha uu hiigsanayo shacbi ahaana waxaa loo baahan  yahay in qofkastaaba illaaliyo fayo dhawrka iyo  nadaafada caasimadda, laguna garab jooggsado hawlaha uu shacbiga u hayo waayo Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa gacmo wada jirbay wax ku gooyaan.




 




Ugu danbayn dedaalka iyo dardargalinta waxqabadka uu ku talaabsaday  Duqa caasimadu waxay ka dhigantahay “CADCEED SOO BAXDAY CALAACALI MA QARISO”, waxaanan leeyahay Ilahayna ha kuu fududeeyo waajibaadka aad sida fiican ugu heelantahay run ahaantiina  “Xulashada Iyo Miidaan Keenida Haldoorku Waa Jidka Aynu U Marayno Horumarka Aynu Hiigsanayno”




 




Isku soo wada duuboo run ahaantii lama dafirikaro inay dawladda hoose ee Hargeysa qaaday talaabo kor loogu qaaday bilicdii caasimada  taariikhdaana waxa baal dahab ah loo galin doonaa  bilowga wadooyinka aan duugoobin ee ay sameeyeen waxaanan leehay “Wixii Rag U Kaco Ee Rabbi Aqbalo Way Rumoobaan” guntii iyo gabagabadii waxaa shacbiga la gudboon inay si hagarlaana u buuxiyaan kaalintooda sida  bixinta  cashuuraha oo laf dhabar u ah horumarka aynu hiigsanayno.




 




Qalinkii Abwaan Abdi Tahar.