Wednesday, February 26, 2014

Luis Ronaldo Oo Ka Hadlay Qaab Ciyareedka Neymar, Koobka Aduunka & Fursada Shaqo Ee Zinadine Zidane.


Luiz-Ronaldo-2002Halyeeygii hore xulka Brazil iyo kooxo badan oo yurub ka dhisan Luis Nazario De Lima Ronaldo ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan marxalado haatan taagan oo kubada cagta isagoo ku hormaray qaab ciyaareedka da’yarka hogaamiya Brazil ee Neymar JR.




 




Ronaldo oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa amaanay qaabka wiilka dahabiga ah ee Brazil kaas oo ah shumaca u shidan dadyowga reer Brazil xiligaan, inkastoo kusoo biiritankiisii Barcelona ay hareyeen dhaawayo badan hadana 12-gool ayuu dhaliyay.




 




Neymar ayaa Santos kaga soo biiray Bulgarana xili ciyaareedkaan balse sidoo kale Ronaldo ayaa aaminsan in Neymar uu wali yahay caawiyaha Lionel Messi isla markaana midaas ay u tahay qibrad faa’iido u leh madama Messi uu yahay xidiga mucjiso ah.




 




“Kadib Confederation Cup-kii waxaan isha ku hayay xaalada Brazil” ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayay jariiradda Spain kasoo baxda ee AS.




 




“Waxaan heysanaa xidigo yaryar, Neymar ayaan ah xidiga ugu wanaagsan Brazil, wuxuuna dadka tusay awoodiisa, balse waa caawiyaha Messi ee Barcelona, waana rajo weyn iyo dhaxal uu ka dhaxli doono xidigaas” ayuu yiri Ronaldo.




 




“Hadii Neymar uu gaaro finalka koobka Aduunka sanadkaan, wuxuu noqon doonaa xidiga tartanka”




 




Dhanka kale Ronaldo ayaa walwal ka muujiyay marxaladaha banaanbaxyada ee ka jira dalka iyo burburka garoomada kubada cagta oo ay xaaladooda xumaatay mar isla markaana ay ku dhinteen qaar ka tirsan shaqaalaha balse Ronaldo ayaa ku rajo weyn in tartanka qabsoomi doono.




 




“Waxaan hubaa in koobkaan uu noqon doono koobkii aduunka ugu fiicnaa ebid la qabto”




 




Ugu dambeyntiina Ronaldo ayaa ka hadlay arimo quseeya saaxiibkiisii hore kooxda Real Madrid Zinadine Zidane kaas oo haatan ah caawiyaha Angelotti ee Kooxdiisii hore.




 




“Waxaan aaminsanahay in Zidane uu isku diyaairnayo inuu tababaro xulka France, waqti badana kuma bixin doono Madrid, qibradiisa awgeedna koox walba ayuu tababari karaa”




 




“Sidaan ognahay tababarayaal badan ayaa la badalaa koob walba oo aduun, bal aan aragno waxa dhaca kadib koobka aduunka iyo hadii Dechamps laga qaado xilka Faransiiska” ayuu yidhi Ronaldo