Washington(GNA)-Maxkamad ku taala Maraykanka ayaa xukun madaxaa haku furto ah ku xukuntay Haweenay ka qayb-qaadatay fal lagu gubay Dab qoys ka koobnaa 6 Qof 9 October 2004.
Kidada Savage, 31, waxay walaale yihiin Kaboni Savage oo loo yaqaano Boqorka Xashiishada, isla markaana ah Ninkii amray falka lagu dilay qoyskaasi.
Kaboni ayaa isaga iyo 12 kale oo ka mida Kooxaha Xashiishada iyo Mukhaadaraadka dalka Maraykan soo geliya hore dil loogu xukumay.
Kiiska lagu helay gabadhan waxa baadhis ku sameeyay Laanta mukhaabaraadka ee Maraykanka, waxaana dhegeysiga dacwada goob-joog ahaa xubno ka socda Xeer ilaalinta guud ee Maraykanka, Qareenada u doodayay iyo xubno Bilayska ka socday .
Kiiska ayaa lagu qaaday Maxkamad ku taala Gobolka Dhinaca Bari ee Maraykanka ee Pennsylvania.
and Special Agent in Charge Edward J. Hanko of the FBI’s Philadelphia Division made the announcement.
Kidada Savage ayaa iyada iyo lix kale oo ka qayb-qaatay falkan la xukumay Bishii May 13, 2013.
Waxa Maxkamadda la horkeenay Markhaatiyadda inay falkan ka qayb-qaateen.
Markhaatiyada ayaa sheegay in Rasaasta lagu gubay Qoyskan ay ku dhinteen Lix qof oo afar carruur ahayd.