Wednesday, February 26, 2014

Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Heshiis cusub kala saxeexday


heshiis3




Muqdisho 26- Feb- 2014 – (GNA), Heshiis cusub ayaa dhex maray Dawladda Somalia iyo Xafiiska Q.M ee UNSOM Maanta.



Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu saxiixay heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.




 Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda C/Raxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM Nicolas Kay.




Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda heshiiska lagu kala saxeexday ayaa  yiri “Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xiriirka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.”




“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Somalia inay hubiyaan in heshiiyadooda aysan dhacsaneyn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Heshiisyadu waa muhiim oo ah sharciyada muhiimka u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”




Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in garyaqaanada labada dhinac ay si taxadar ah uga soo wada shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsanyihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.




Waa heshiiskii ugu horeeyay ee dawladda Somalia iyo Qaramada Midoobay dhex mara tan iyo markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Somalia 1991-kii.




Heshiiskan ayaa hadii ay labada dhinac si wada jir ah u fuliyaan oo aan lagu xad gudbin wax badan ka tari doona wada shaqaynta iyo socodsiinta hawlaha ay ka  wada shaqeeyaan.




Sida arrimaha gar gaarka iyo horumarinta.heshiis Heshiis2 Heshiis4




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com