Wednesday, February 26, 2014

Macalin Arsene Wenger Oo Saadaal Cajiib Ah Ka Bixiyay Ku Guuleysiga Premier League.


arsene-wenger_1869548b1Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in hanashada horyaalka Premier League ay u bahnaan doonto in laga warsugo ilaa kulanka 38-aad oo ah kulanka ugu dambeeya horyaalka madama kooxaha hogaanka isku haya ay sameynayaan bandhig cajiib ah.




 




Kadib markii ay guulo gaareen afarta koox ee ugu sareeya EPL isla markaana hogaamiyayaasha Chelsea iyo kooxda kaalinta afaraad ee Liverpool uu u dhaxeeyo farqi 4-dhibcood ah sidoo kalana Arsenal ay kaalinta sadexaad gali doonto hadii Man City ay guul gaarto kulankeeda u baaqday inkastoo ay 1-dhibic kaliya mar walba hogaanka u jireyso ayuu Wenger carabaabay in howshu culus tahay.




 




“Waxey u muuqataa in howshu gali doonto kulanka ugu dambeeya, qofna ma oga, mana jirto hubanaan qof walbana wuxuu dhowrayaa wixii dhaca” ayuu Wenger u sheegay Xidig ka tirsan Arsenal.




 




“Qof walba wuxuu leeyahay kulan weyn, qof walbana waxaa horyaalo kulan adag, Premier League ayaana adkaaday sidaas darted waa inaan xoga saarno qaab ciyaaredkeena”




 




Wiilash Wenger ayaa gaaray guushii ugu horeysay sadexdii kulan ee ugu dambeysay kulan ay Emirates 4-1 uga adkaadeen Sunderland, madama ay barbaro la galeen Man United sidoo kalana 5-1 qasaaro ah kala kulmeen Liverpool.




 




“Waxan luminay wax badan, Man United ayaan barbardhac la galnay, Liverpool ayaa naga badisay walina 1-dhibic oo qura ayaa hoganka nalooga haya waxaan sameynay wax weyn” ayuu yiri Wenger.




 




“Waxaan xoga sari doonaa 11-ka kulan ee ugu dambeeya kulan walbana waxaan u ciyaari doonaa si adag”